Somaliland:WADDANI Oo Xilka ka Qaadaya Xoghayaha Guud Iyo Gudoomiye KU xigeenadda Xisbiga

Date:

Guddiga mus-dambeedka Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI oo ka kooban 20 xubnood oo u badan beel qudha, ayaa la sheegay in kulamadoodii u dambeeyay ay ka soo saareen qodobbo ay u arkaan in xisbigoodu guul ku hawaysan karo mustaqbalka dhow.

Waxay Guddigu qaraar ku gaadheen in xisbigu bedalo Xoghayaha Guud ee xisbiga WADDANI Maxamed Cabdilaahi (Uur-cadde) iyo qaar ka mid ah Guddoomiye ku xigeenadda xisbigaas gaar ahaan Guddoomiye Ku xigeenka labaad Md. Faarax Dheere, kaasi oo ay ku talliyeen in lagu bedalo Cali Kubad ooh ore u ahaa Guddoomiye Ku xigeenkii Komishanka doorashooyinka qaranka oo dhawaan ku biiray xisbigaasi, oo ay ku tilmaameen inay yihiin xubno aan xisbiga u soo jiidi Karin taageereyaal isla markaana ah qaar aan hanan karin bulshadda deegaamada ay ka soo jeedaan.

Warkan oo aanu ka helay ilo ka ag-dhow xarunta dhexe ee WADDANI, ayaa intaas ku daray in Guddiga qarsoon ama haddii si kale loo yidhaahdo “Guddida Mus-dambeedku” ay ku hawlan sidii ay u soo xuli lahaayeen masuuliyiintii lagu bedali lahaa xubnaha ay ku sifeeyeen wax ma tarayaasha xisbigooda .

Waxa kale oo la sheegay in Guddigan oo aan waafaqsanayn sharciyadda iyo qaab-dhismeedka xisbiga WADDANI, haddana ay kaalintii Guddiga fulinta gacanta ku qaateen oo qodobbada ay soo jilciyaan uu hoggaanka xisbiguna ficil u rogo.

Tallaabada xisbiga WADDANI doonayo inay ku bedalaan Xoghayaha Guud iyo saddexda Guddoomiye Ku xigeen, ayaa ka dhalatay markii ay shaki la’aan ku qanceen in xisbigaasi lumiyay taageerada dadweynaha oo ay sii shiiqayso maalin-ba maalinta ka dambaysa kalsoonida bulshadu ku qabto, taasina ay keentay inay badka soo dhigaan qorshaha ay kaga takhaluyaan afar xubnood oo ka mid ah Hoggaanka xisbigaasi. si ay u hawl-geliyaan wajiyo cusub oo kasban kara taageereyaal ku soo biira xisbiga.

Geesta kalena waxa waxa la sheegay in Guddigaasi ay ku jaho-wareertay hanaankii ay u xulan lahaayeen Murrashaxooda madaxweyne Ku xigeenka oo ay saluugsan yihiin kartida xubnaha illaa imika iclaamiyay inay mansabkaasi u tartamayaan.

Waxa kale oo xisbiga WADDANI todobaadkan u qorshaysan inay magaaladda Hargeysa ku qabtaan xaflado waji ku macaash ah oo ay dad shicib ah xaflado ugu qabanayaan oo ay leeyihiin waxa nagu soo biiray beelo iyo dad taageeri jiray xisbul-xaakimka KULMIYE.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...