Faah-faahin: Weerarka Jaamacadda Gaarisa dalka Kenya

Date:

Ilaa hadda maxaan ognahay?

  • Weerarku wuxuu bilowdey subaxnimadi hore ee maanta (Khamis) 5:00AM
  • Wuxuu ku bilowdey qarax weyn oo ka dhacay albaabka hore ee jaamacadda
  • Boolisku waxay sheegeen ugu yaraan 14 qof ayaa ku dhimatey weerarka
  • 65 qof ayaa ku dhaawacmey, sida ay shegtey hay’adda laanqeyrta cas ee Kenya
  • Ururka al-Shabaab ayaa sheegtey in ay weerarka ka danbeeyaan
  • Waxay u kala saarayaan dadka Muslim iyo Kirishtan sida ay BBC u sheegeen
  • Ardeyda ay sii daayeen waxay ka bixiyeen Shaararka iyo Surweelada
  • Dableydu weli waxay gudaha ugu jiraan dhismaha Jaamacadda.

Waxaa weli socda hawgal ay wadaan ciidanka amaanka ee dalka Kenya, kadib markii koox hubeysan ay qabsadeen dhisamaha Jaamacadda Gaarisa waqooyi Bari dalka Kenya, xiligaas oo ardey badan oo ku dhaw 600 ay ku sugnaayeen.

Ururka al-Shabaab ayaa sheegtey masuuliyadda weerarkaas.

Wargeyska Daily Nation ayaa sheegaya in ilaa hadda 15 qof ay dableydu dileen halka dhaawacu kor u dhaafayo 65 qof, Waxaa sidaas si lamid ah soo qortey wakaaladda wararka ee Reuters.

Afhayenka al-Shabaab Cali Dheere oo la hadley BBC qaybta Englishka ayaa sheegay in ay dadka u kala saareen Muslim iyo Krishtan oo ilaa hadda ay sii daayeen 15 qof oo Muslim ah sida uu sheegay.

Xaaladda magaalada Gaarisa oo dhan ayaa qasan, waxaa la fasaxey dhamaan iskoolada kale ee magaalada, sidoo kale waxaa xirmey ganacsiga, hawada Gaarisa waxaa laga maqlayaa guuxa diyaaradaha, waxaana is taagey dhamaan ganacsiga iyo socdka dadka. Waalidiinta ardeyda qaarkod ayaa jidadka u soo baxay iyaga oo aad u wel-welsan.

Waxaa magalada Gaarisa ka degey Wasiirka Aminga Kenya iyo Taliyaha Booliska si ay ula socdaan xaaladda dadka ay afduubka u haystaan kooxdan iyo hawlgalka lagu soo badbaadinaayo.

Waxaa adag in la kala saaro kuwii weerarka soo qaadey iyo ardeyda afduubka loo qabsadey, waxaana la qabtey mid looga shakisan yahay in uu kamid yahay dadka weerarka soo qaadey oo isku soo darey ardeyda ay siidaayeen, kuwaas oo shaararka iyo surweelada laga siibey si aan loo kala garan iyaga iyo kuwii weerarka soo qaadey, waxaana la moodaa in ay tabta ka soo xadeen Filimkii Inside Man.

Kooxda al-Shabaab ayaa muddooyinkii danbe weerarada ay qaadaan ku bartilmaameedada meelaha jilcsan ee aan ahayn goobaha ciidamada sida Jaamacadaha, Suuqyada iyo Hoteelada.

Weerarkan ayaa imaanaya iyada oo maalintii Isniinta uu sheegay Madaxweynaha Kenya in amaanka Kenya la sugey, waxaana uu ku gacan sayrey digniin safaaradda Britian ay soo saartey.

Sidoo kale Waxaa Sirdoonka kenya asheegeen in ururka al.Shabaab ay qorshaynayaan weerar ay ku qadaan goobaha waxbarashada Kenya, waxaana ay ku baaqeen digtooni.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...