USA: Abaar & Biyo la’aan ka jirta gobalka California

Gobalka California ee dalka Maraykanka ayey xiligan ka jirtaa abaar ba’an, wuxuuna maamulka gobalkaasi qaatay go’aan adag oo hoos loogu dhigayo isticmaalka biyaha.

USA-Abaar-California3

Gudoomiyaha gobalka California Jerry Brown ayaa Arbacadii shalay shaaca ka qaaday in dhamaan degmooyinka gobalkaasi lagu amrayo in sadex-meelood hal meel hoos u dhigaan biyaha ay isticmaalaan.

Waa markii ugu horeysay oo go’aan noocaan ah lasoo saaro, iyadoo abaarta California ay tahay midii ugu xumeyd oo in muddo ah soo marta, waxayna abaartan iyo biyo yaraanta ay jirtaa muddo 4 sano ah.

Comments

comments