Turkey: Is-rasaaseyn ka dhacday xarun Booliis oo ku Taal Istanbuul

Arbacadii shalay gelinii danbe ayuu iska horimaad ka dhacay xarunta Taliska Booliiska ee magaalada Istanbuul.

Iska horimaadkan ayaa waxaa bilaabay nin iyo haweenay hubeysan oo booliiska weerar ku qaaday.

Booliiska iyo kooxdan oo israsaaseyn xoogleh dhexmartay ayaa waxaa goobta lagu dilay haweenaydii hubeysneyd oo la sheegay inay sidatay hub kala gedisan.

Ninkii la socday oo isagana la dhaawacay ayey booliiska gacanta ku dhigeen.

Dagaalkan waxaa sidoo kale ku dhaawacmay labo askari.

Isla shalay ayuu nin hubeysan xoog ku galay xarunta xisbiga Islaamiga ah ee talada haya ee AK, isagoo halkaasi calan ka taagay, kahor intaan booliiska xirin.

Maalin kahor (Salaasadii) ayey labo nin oo hubeysan weerar ku qaadeen xarunta maxkamada, halkaasi oo ay ku afduubteen xeer illaaliyaha Istanbuul Mehmet Salim.

Ciidamada Booliiska oo afduubkaasi soo afjar xili danbe Salasadii ayaa sheegay in kooxdaasi hubeysan dileen xeer illaaliyaha, labada nin hubeysnaa ayaa waxaa iyaguna dilay ciidamada amaanka oo ay is horfadhiyeen muddo 6 saac ah.

Comments

comments