Kenya: Koox hubeysan oo weerartay Jaamacada Gaarisa

Date:

Koox hubeysan oo la tuhunsan yahay inay yihiin Al Shabaab ayaa gudaha u galay xalay saqdii-dhexe xarunta Jaamacada weyn ee magaalada Gaarisa.

Dableyda hubeysan ayaa la seegay inay galeen goobaha ay ardayda seexdaan ee Garisa University College (GUC), xili ay ardayda halkaasi hurdeen, waxaana goobtaasi laga maqlayey rasaas xoogleh iyo qaraxyo.

Iska horimaad halkaasi ku dhexmaray booliiska iyo kooxa weerarka soo qaaday ayey ku dhaawacmeen askar iyo ardayda goobtaasi wax ka dhigata.

Kooxda hubeysan ayaa la sheegay in gudaha xaruntaasi ku afduubteen arday badan, sida ay sheegeen qaar kamid ah ardaydii goobtaasi kasoo baxsaday.

_82074522_garissakenya0415

Ciidamada militariga iyo gaadiidka caafimaadka ee gurmadka deg dega ayaa soo gaaray xarunta Jaamacada.

Saaka oo Khamiis ah ayey warbaahinta Kenya shaaciyeen qoraal loo qeybiyey ardayda Jaamacada Nairobi oo looga digayey 25kii bishii Maarso in ay dalkaasi ka dhici karaan weeraro waaweyn oo lagu qaado xarumaha Jaamacadaha dalka Kenya.

Macada in Jaamacada Gaarisa ay kamid ahayd goobaha digniintan lasiiyey inay feejignaadaan.

Illaa iyo hada macada khasaaraha dhabta ah iyadoo weli la maqlayo rasaasta halkaasi ka dhaceysa.

Jaamacada GUC ayaa ah mida kaliya oo ku taal gobalka Waqooyi bari oo ay Soomaalidu degto, waxaana la furay sanadkii 2011, sida la sheegay waxaa dhigta arday ku dhaw 500.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...