USA:Booqashadii Waftiga Saylici Ee Minnesota Iyo Soodhawayntii Jaaliyada Somaliland.

Date:

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Md C/raxman C/laahi Ismaciil (Zaylaci) Ayaa ka soo degay gegida diyaaradaha ee magaalaha Minneapolis ee gobolka Minnesota
waxaana ka soo yara horeeyey wasiiru-dawlaha wasaarada waxbarahada Md Axmed nuur faahiye oo isagu qadar saacad ah jaaliyada la joogay ka hor intii aan M/weyne kuxigeenku soo degin.

Jaaliyad aad u tiro badan oo ka socota gobolka Minnesota iyo gobolo kale oo Maraykanka ah ayaa ku sugayay waftiga kuwaas oo maraanu ladhexmaray mikrafoonka noo sheegay inay aad ugu faraxsanyihii imaatiga wefitiga oo intooda badani ay tahay markii ugu horaysay M/weyne Kuxigeenka.

Waxaa ka mid ahaa dadka sugayay waftiga Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Maraykanka Md Maxamednaasir Dhoore iyo gudoomiyaha Xisbiga ee gobolka Minnesota Md Mustafe Siciid Dabayare.Prof.Axmed Ismaciil Samatar,Abukar Xaamid Jibriil oo Ah Xubin golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye iyo Sheikh Sacad Muse oo ah sheikh magaalada.Waxaa iyana joogtay fanaanada wayn ee Roda Ismaciil (Roda Wacan).

Soodhawaynta kadib waxaa la isugu tegay Hotel Ramada oo ay ku sugayeen waftiga jaaliyad aad u tiro badan si wayna ugu soo diyaar garoobay iyadoo lawaayay meel laka joogsado,khudbado badan oo halkaa laga jeediyay oo ay ka hadleen dad ay ka mid ahaayeen madaxda Maraykanka iyo gobolka ee xisbiga Kulmiye waxaa sidoo kale M/weyne ku xigeenku ku casuumay micrafoonka madaxda xisbiyada mucaaradka, gudoomiyaha Xisbiga Waddani Md C/raxman Adan oo salaam kooban kaga baxay isagu iyo Xisbida Ucid Md Xassan oo halkaa ka dhiibtay dhowr kelmadood oo isugu jiray salaam,soodhawayn.

Waxaa iyana meesha ka hadlay Wasiiru dowlada Waxbarashada iyo Prof.Axmed Ismaciil Samatar oo talooyin u soo jeediyay guud ahaan reer Somaliland isagoo sheegay in hadii taladiisaa laqaadanwaayo Somaliland ay u dhamaanayso.
Waxaa isna gudoonsiiyay waftiga lacag dhan $11,000 oo jaaliyada Somaliland ugu deeqday wadada Burco-Ceerigaabo Md Mustafe Cabdi Daanshood, taas oo aan ahayn sida uu Md Sheegay Lacagtii gobolku isasaaray oo dhan $230,000.

Ugu danbayntii waxaa mikrafoonka lagu soo dhaweeyey M/weyne kuxigeenka Jamhuuriyada Somaliland Md C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (ZAYLICI) oo khudbad dheer oo uu kaga hadlay wadciga dalkii kajira iyo waxa xukuumada u qabsoomay iyo waxa ay higsanayaa.Intaa kadib waxaa loofuray jaaliyada dhanka su’aalaha oo ay waydiiyeen rag iyo dumar badan oo kulanka joogay kuwaas oo dhamaan waftigu ka jawaabeen.

Waftiga waxaa u qorshaysan inay tagaan gobolada Washington seatle iyo Columbus Ohio oo Maraykanka ah iyo magaala Toronto ee cariga Canada isagoo ku soo laabandoona magaalada Minneapolis oo uu balamo ku leeyahay,kadibna wuxuu u siigudbidoonaa caasimada dalka ee Washington, D.C oo uu dalkii hooyo ugu sii gudbidoono.

Weriye Saciidjamaal
Muxaami@gmail.com

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...