Xukumadda Somaliland ayaa sharaxday sida dunidu iskaga indho tirtay xuquuqaha Aasaasiga ah ee Somaliland, iyo sida aan loo dhegaysan xuquuqda ay u leedahay Citiraaf Caalami ah oo ay dunida ka hesho.
Wasiirka Madaxtooyada Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan oo safar ku jooga dalka UK, ayaa qoraal uu soo saaray toddobaadan, kuna qoran luuqadda Ingiriisiga ku sharraxay sida adduunku iskaga indho-tiray guulaha Somaliland ka gaadhay dhinacda dawlad-wanaaga, dimuqraadiyadda iyo ammaanka, isagoo xusay in aqoonsi la’aantu sababtay in dalka Somaliland waayo xuquuqo caalami ah.
“Nasiib-darro, dunida maantu waxay iska indho-tirtay dadaallada iyo horumarka Somaliland samaysay oo waxa iska dhigeen xagga dambe. Diidmadani waxay Somaliland dibadda ka dhigtay Golaha guud ee Qaramada Midoobay, ururka Midowga Afrika iyo urur-goboleedyada sida IGAD. Arrintani waxay ku keentay Somaliland inay waydo xuquuqdeeda aasaasiga ahayd ee dhaqaale iyo horumar bulsheedba, waxaannu waynay xidhiidh dhaqaale oo aannu la yeelanno caalamka, kaas oo curyaaminaya safarkayaga Somaliland oo barwaaqo noqota,” ayuu wasiir Xirsi ku yidhi qoraalkiisa oo Jamhuuriya u beddelay Afsoomaali.
Wasiir Xirsi waxa uu qoraalkiisa kaga sheekeeyey taariikhda Somaliland oo uu xusay inay madaxbannaanideedii ku wayday la-midowgii fashilmay ee Soomaaliya sannadkii 1960-kii, kaasi oo waxa keliya ee shacabka reer Somalilad ka dhaxleen uu ahaa caddaalad-darro, midab-takoor, cabudhin iyo xasuuq loo gaystay. Hase ahaatee, halgan dheer oo naf iyo maalba ku baxay kadib oo dadweynaha Somaliland ay iska dhiciyeen nidaamkii kelistaliska ee Muqdisho ay dib-ula soo noqdeen madaxbannaanidii ay mar labaad sannadkii 1991-kii oo ay ilaa maanta ku naaloonayaan.
“Ilaa maalintii aannu dib-ula soo noqonay madaxbannaanidayada, shacabka Somaliland waxay bilaabeen dhismaha Qarankan wanaagsan iyagoo dhulka ka soo bilaabay. Waxaannu hab dhaqan ah geed hoostii isugu raacnay dhismaha waddan ku yaal gobol caadawad iyo qalalaase ka socdo, iyadoo dadku u baahan yihiin hub ka dhigis iyo dib-u-dejin, balse aanay jirin cid caawisay. Waxaannu isku raacnay in aannu annagu ka heshiinno kala-qaybsanaantayadii oo ilowno, waxaannu ku heshiinay in aannu hore ugu soconno dhismaha dhaqaalahayaga, nidaam dimuqraadi ah, tixgelinta xorriyatul-qawlka iyo xaquuqda aadamaha, waxaannu ku heshiinay in aannu qayb ka noqonno dunida nabadda ah, lana dagaallano argagixisada iyo budhcad-badeedda oo aannu jirin markab keliya oo lagu afduubay biyaha Somaliland,” ayuu yidhi Md. Xirsi.
Waxa kaloo uu ka hadlay aqoonsigii Golaha Deegaanka magaalada Cardiff siiyeen Somaliland toddobaadkii hore, kaas oo uu ku tilmaamay inuu guul wayn iyo fure muhiim ah u yahay qaddiyadda aqoonsi-raadinta Jamhuuriyadda Somaliland, isagoo mahadnaq ballaadhan u jeediyey xildhibaannada codkooda ugu hiiliyey Somaliland iyo cid kastoo ka shaqaysay arrintaasi oo uu ku macneeyey mid aanay shacabka Somaliland weligood iloobi doonin.
“Aqoonsiga Cardiff waa fahan wanaagsan iyo tixgelin aad siiseen qaranka la iloobay ee Somaliland, waa taageero aad siiseen dimuqraadiyadda iyo maamul-wanaagga Afrika, gaar ahaan gobolka Somaliland ku taal, waxa uu dhiirrigelin u yahay doorashooyinka xorta iyo xalaasha ah iyo xorriyatul-qawlka oo Somaliland si buuxda u ixtiraamto, uguna dhaqanto. Shacabka Somaliland weligood u sinaanmaayaan kuwa aqoonsada iyadoo inta kale beesha caalamku dafirayso,” ayuu ku yidhi qoraalkiisa Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan.