Somaliland:Dagaalka Dalka Yemen Oo Samayn Kala Duwan Ku Yeeshay Somaliland.

Date:

Dooni ay la socdeen 32-ruux oo Yemeniyiin ah ayaa ku soo xiratay maanta dekedda magaalada Berbera, kaddib markii ay kasoo carareen colaadda ka socda dalkooda, sida ay sheegtay hay’adda qoxootiga Adduunka ee UNHCR.

Hay’adda UNCHR ayaa sheegtay in qoxootigan Yemeniyiinta ah ay saamayn ku yeeshay qalalaasaha ka jira magaalada Ticis oo Koonfurta waddanka Yemen ku taalla, halkaasoo ay Xuuthiyiintu la wareegeen maalmo ka hor.

Sidoo kale, UNCHR ayaa xaqiijisay in 32-ruux ee Yemeniyiinta ah ay kusoo jireen badda muddo 12-saacadood ah, iyagoo nabad-qabana ayayna doonidooda kusoo xiratay dekedda Berbera, inkastoo aysan Dowladda  Somaliland weli ka hadlin qoxootigan Yemeniyiinta ah.

Xoogagga Shiicada ah ee dalka Yemen ayaa toddobaadkii hore dagaal aad u kooban kaddib la wareegay Ticis oo xiriirisa magaalada Caasimadda ah ee Sanca oo ay Xuutiyiintu gacanta ku hayaan iyo magaalada Cadan oo ay ciidammo taageersan dowladda Yemen ka taliyaan.

Dhanka kale, wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, C/salaan Hadliye Cumar oo la hadlay VOA-da ayaa sheegay in hay’adda UNCHR ay ka codsadeen in ay gacan ka geysato sidii Yemen looga soo daad-gureyn lahaayeen dadka Somaaliyeed ee ku nool Yemen.

Ugu dambeyn, Dowladda Somaliland ayaa la socoto dhibaatada ka taagan dalka Yemen, isla markaana ay dadaal ku bixinayaan sidii shacabka Somaliland ee dalkaas ku sugan looga soo bixin lahaa.

Si kastaba ha ahaatee, 32-kaan qof ee Yemeniyiinta ah ayaa noqoaya kuwii ugu horreeyay oo colaadaha dalkaadooda ka taagan kasoo carara oo soo gaara gayiga Somaliland.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...