Somaliland:Guddoomiyaha Xisbiga WADANI Oo Naqdiyay Khudbadii Madaxweynaha Somaliland U Jeediyay Labada Gole.

Date:

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADANI sidoo kalena ah Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa dhaliilay khudbadii uu Madaxweynaha Somaliland shalay u jeediyay labada Gole Qaran, Guddoomiye Cirro oo ka hadlaayay shirweynaha Garabka Hawaanka Xisbiga WADANI oo maanta Hargaysa ka qabsoomay, ayaa sheegay in aanay shacabku Madaxweynaha uga fadhiyin inuu ereyo kooban kaga hadlo qabsoomida doorashooyinka. Mud. Cirro oo arrintaas ka hadlaaya wuxuu yidhi.

“Qodobka ugu muhiimsanaa ee shacbigu ka sugaayey khudbad-sanadeedkii madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland ka hor akhriyey 28.March.2015, waxuu ahaa doorashooyinka madaxtooyada iyo golaha wakiilada. Muxuu ka yidhi madaxweynahu arrinta doorashooyinka?.
Markaan nuxurka koobo, waxaa uu yidhi:
• Waxaa ka soo baxay komishanka doorashooyinka qaranka hindise ay ka muuqato in doorashooyinku ay wakhtigoodii dhaafayaan.
• Hawlaha naga’ga aadanaa doorashooyinka waan fuliyey.
• Waxaa muuqata in dib-u-dhac jiro waxaan leeyahay. “Nin reer u wayni sida uu wax u ogyahay uma wada sheego, cida eeda yeelataa way soo bixi doonta.”.

• Dhamaan dhinacyada ay arrintani khusayso oo dhami (Mucaarad iyo Muxaafad), waxaan u soo jeedinayaa in aynu wada-tashi iyo walaaltinimo aynu ku dhamaysanayno arrimaheena innaga oo sharcig ixtiraamayna. Intaasi jawaab umay ahayn shacbigii madaxweynaha sida wayn khudbadiisa ugu dheg taagayey. Arrinta doorashooyinku, waa arrin distooiri ah oo sharci ah, Madaxweynaha ayaa ka mas’uul ah illaalinta shaciga ah iyo dastuurka, waxaad moodaa in madaxweynahu cid kale farta ku fiiqayo, arrinta qabashada iyo dib-u-dhaca doorashada, doorashadu isku isku riix-riix ma geli karto, sidaas darteed waxaan soo jeedinayaa in madaxweynahu u magacaabo gudi xaqiiqo raadin ah oo madax banaan, arrintaana baadha natiijadeeda, shacbigana u soo bandhiga.

Waxaan ka warqabnaa in xukuumadu ay cidiyaha ku dagaalantay sidii ay doorashooyinku ay dib ugu dhici lahaayeen.
Arrinta talada qaran waan soo dhawaynayaa laakiin madaxweynahu talo soo jeedin qudha ayaa uu sheegay, waxaa se looga baahan yahay in isagu isagu yeedho axsaabta qaranka iyo daneeyayaasha doorashooyinka sidii dhaqanka ahaan jirtay.
Gudida doorashooyinka qaranka waxaa looga baahan yahay in ay ku dhawaaqaan wakhtiga doorashooyinka si aan daahis lahayn.(Ha waydo geed ay ku xoqatee). Waxaan soo jeedinayaa in doorashooyinku qabsoomaan Dec.2015.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...