Somaliland Oo Daah Furtay Isticmaalka Tamarta La Cusboonaysiin karo

Date:

Xukuumadda Somaliland,ayaa maanta daah furtay Qorshe lagu hirgelinayo tamarta la cusboonaysiin karo, waxaana xaflad loogu wan-qalayay hindisahaasi lagu qabtay Huteelka Maansoor ee caasimadda Hargeysa.

Kulan ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland oo ay ka soo qayb galeen Wasirrada Waaaradaha Qorshaynta Qaranka Dr Sacad Cali Shire, Deegaanka Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Bandare Waiirka macdanta iyo Tamarta Xuseen Cabdi Ducaal iyo ,masuuliyiin ka socday Midawga Yurub iyo marti sharaf kale.

Wasiirka macdanta iyo tamarta Md. Xuseen Cabdi Ducaalle oo ka hadlay furitaankii xafladaasi ayaa tafaasiil ka bixiyay qorshahan oo ah mid loogu danaynayo bulshadda ku dhaqan deegaammadda miyiga ah, waxaanu yidhi “Waa mashruuc tamareed oo ku wajahan sidii tamar jaban loo gaadhsiin lahaa deegaanada miyiga iyo tuullooyinka dalka loogana haqab tiri lahaa korontada, taasoo bedali karta dhibaatada aynu ku hayno deegaanka, waana mashruuc ay maal gelinayaan midawga Yurub waxaana Wasaarada Tamarta kala shaqaynaya hay’adda ADRA, hay’adda ADRA hore ayey mashaariic badan noogala shaqaysay oo xaga tamarta ah, mashruucani waa mid wax badan ka qabanaya baahida loo qabo tamarta waxaa laga hawl galayaa sidii loo gaadhsiin lahaa meelaha miyiga ah oo aanay korontadu gaadhin in koronto ay isticmaali karaan looga dhaliyo cad ceedda oo ay kaga maarmi karaan waxyaalaha dhibaatada u keeni kara deegaanka, waxaanu mashruucani awoodda saarayaa inuu meelaha miyiga ah gaadhsiiyo koronto, waanan u mahad naqayaa midawga yurub oo maal galiyey iyo Hay’adda ADRA.”

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaraka Dr. Sacad Cali Shire ayaa iftiimiyay quwada tamarta iyo ka faa’iidaysigeedu sida uu uga qayb qaato horumarka dalka waxaanu tilmaamay in horumar marka laga eego sida ay ummaddu dalkaasi uga faa’iidaysato tamarta la cusboonaysiiyo.Waxaanu yidhi “Marka aynu ka hadlayno tamarta waxaynu ka hadlayaa horumar, horumarkuna waa geedi socod aad meel ka tagayso oo aad meel kale u gudbayso, si aad meel uga dhaqaaqdo oo aad meel kale u gaadho, waxaad u baahan tahay tamar, markaa dhinac kasta oo aad horumarka ka qiyaasto ama xaga dhaqaalaha ha noqoto ama xaga bulshadda ha noqotee waxaad u baahan tahay oo aanad ka maarmi Karin waa tamarta, marka lays barbar-dhigo wadamadu horumarka ay gaadheen waxyaabaha la soo qaato ee lagu qiyaaso waxa ka mid ah isticmaalka tamarta, horumar inta aynu ka samayno nolosha iyo bulsho ahaanba waxay ku xidhan tahay tamar ahaan inta aynu isticmaalno.

Qorshaha horu marinta somaliland tamartu waxay ku jirtaa waxyaalaha ugu mudan maadaama ay ahmiyad badan leedahay, qorshaheena guudna waxa weeyaan inaynu helno tamar qof walba gaadha oo uu awoodi karo haddii uu qofku magaalo joogo iyo haduu tuulo joogaba, wadamada horu maray inta badan qofkiiba waxa lagu qiyaasaa inuu isticmaalo 800-10,000 kiiloo oo tamar ah sanadkii , hadaan wax yar ka taabto sanadkii 2013 waxaynu soo dhoofinay qiyaastii 86,000 oo ten oo shiidaal ah hadaad qof qof u qaybisana qofkiiba waxa ku soo hagaagaya 25 kiiloo oo kaliya.”

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga Somaliland marwo Shugri Xaaji ismaaciil Baandare oo iyaduna ka hadashay munaasibadan sheegtayna inay soo dhawaynayso cid kasta oo hir gelinaysa mashruuc faa,iido u ah ilaalinta deegaanka waxaanay tidhi “Ka Wasaarad ahaan aad ayaanu ugu mahad celinaynaa dadkaas kabaha u wada gashaday ee u ordaya sidii maanta loo badbaadin lahaa deegaankeena gaar ahaana wasaaradaha aanu aadka iskugu dhaw nahay oo ay ka mid yihiin wasaarada tamarta oo aanu leenahay xidhiidh joogto ah kuwaas ku dedaalaya sidii ay wax u qaban lahaayeen iyo wasaarada qorshaynta aad ayaan ugu mahad celinayaa waayo waxay mar walba isku dayaa inay wax nala qabtaan, wasaaradahaasi waxay naga caawiyaan sidii ay deegaanka wax noogala qaban lahaayeen iyo sidii deegaankeena aynu maanta ognahay inuu ku jiro xaalad deg deg ah sidii aywax noogala qaban lahaayeen, maanta guul ayey noo tahay dhamaantayo waayo haday maanta intani soo korodhay wax badan ayaa soo kordhay, waxaanan rajanaynaa inuu mashruucani sku badali doono mid wakhti dheer ah oo ay ka soo baxdo natiijo la taaban karo.”

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...