Somaliland: Muxuu Daarnaa Kulan Xalay Qasriga Madaxtooyada Ugu Qabsoomay Saddexda Xisbi Qaran Iyo Komishanka Oo La Sheegay In Madaxweynuhu Gogoshiisa Dhigay?

Date:

Xaalado Amni Iyo Kuwo Siyaasadeed Oo Ka Soo Cusboonaaday Gobolka Sool Oo La Filayo In Ay Dib U Ridaan Diiwaan Gelinta Codbixiyayaasha Oo Wiiggan Ka Bilaabmi Lahayd Gobolka

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa xalay kulan ballaadhan ku qaabilsay Qasriga Madaxtooyada masuuliyiinta saddexda xisbi qaran ee Somaliland, kulan lagaga arrinsanayo xaalado la sheegay in ay ka soo cusboonaadeen Gobolka Sool oo la filayay in diiwaan gelinta Codbixiyayaashu toddobaadka dambe si rasmi ah uga bilaabanto.
Ilo wareedyo u dhuun daloola kulankan xalay ku qabsoomay qasriga Madaxtooyada Somaliland ee ay Madaxtooyadu gogosheeda lahayd ayaa la sheegay in lagu faaqiday duruufo Madaxtooyadu sheegtay in ay ka soo cusboonaadeen Gobolka Sool oo la xidhiidha dhinacyada nabad gelyada iyo siyaasadda oo loo baahan yahay in indho gaar ah daneeyayaasha dooorashooyinku ugu yeeshaan iyada oo Madaxtooyadu soo qaddintay qorshe muddo kooban dib loogu dhigo diiwaan gelintaasi illaa laga xallinayo duruufahaasi yaryar taasi oo aan la ogayn go’aanka ay iskula qaateen dhinacyada shirkan fadhiyey.
Ilo-wareedyo FOORE ka helay kulankaasi ayaa tibaaxay in aanay dhinacyada shirkan fadhiyey si rasmi ah isula qaadan talo soo jeedinta xukuumadda ee ah in dib loo dhigo muddo kooban diiwaan gelintaasi si xalal kama dambays ah loogu helo dahwr qaddiyaddood oo ka soo kordhay Gobolka Sool oo ay ka mid yihiin wada hadallada xukuumaddu la furtay kooxda Khaatumo ee deegamadaasi rabshadaha ka wadday, dareen amniga la xidhiidha oo ay xukuumadda ka heshay in ay gobolkaasi ka taagan yihiin iyo qoorsheyaal diiwaan gelintaasi ka dhan ah oo cadawga Somaliland maleegayo.
Dhinaca kale xogaha qaar ayaa sheegaya in kulankaasi Madaxtooyadu ku soo ban dhigtay qorshe la xidhiidha doorashooyinka innagu soo aaddan sannadka dambe iyo qorshe ay xukuumaddu ku doonayso in labadaasi doorashado lagu kala qaado iyada oo ay wali laalan tahay xaaladda lagu qaban karo doorashada Goolaha Wakiilada oo saami qaybsiga kuraasta golahaasi ay dood badani ka taagan tahay gobolada qaarna qaaddaceen in ay nidaamkii hore ku galaan. Lamase oga dooda dhinacyada kulankan ka qayb galau sida ay u dhacday.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...