Madaxweynaha Dowladda Federaalka oo cambaareeyey Qaraxyadii Hoteelada

War ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu cambaareeyey weeraradii lagu qaaday Hoteelada Central iyo Naasa Hablood oo dhimasho iyo dhaawac ka soo gaaray madaxka tirsan dowladda federaalka oo iskugu jira wasiiro, Xildhibaano iyo maamulka Gobolka Banaadir.

Madaxweynahu wuxuu sheegay in uu aad uga xunyahay weerarka ay Al-shabaab ku qaaday Hoteeladan, Wuxuuna uga tacsidayeey dhamaan dadkii ku geeryooday qaraxyadan iyo kuwa ku dhaawacmay oo uu u rajeeyey caafimaad deg deg ah.

“Aad baan uga xumahay in kooxaha nabadda ka soo horjeeda ay mar kale dad Muslimiin ah oo waajibka salaadda Jimcaha gudanaya ay ku weerareen masjid hotelka Central ku dhex yaalla. Ilaahay ha u naxariisto inta ku dhimatey, kuwa ku dhaawacmeyna waxaan Ilaah uga baryayaa inuu degdeg caafimaad buuxa u siiyo.”

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in aysan qaraxyadan dib u dhigeyn howsha ay wado dowladda federaalka Soomaaliya ka hayso Soomaaliya gaar ahaan Muqdisho Isagoo xusay in dagaalka Al-shabaab ay ku jiraan siiwadayaan ilaa ay ka sifeeyaan dalka.

Comments

comments