ISIS oo duulaan xoogan ku qaaday Kurdida Ciraaq

Habeenimadii Salaasada ayey xoogaga ISIS ee dalka Ciraaq weerar balaaran ku qaadeen magaalooyinka ay gacanta ku hayaan kurdida ee waqooyiga dalka Ciraaq.

Dagaalka xoogiisa ayaa maanta ka socda magaalooyinka Gwer iyo Makhmou oo dhowr iyo toban kilomitir u jira magaalada Erbil ee caasimada ismaamulka Kurdida Ciraaq.

Xoogaga ISIS ayaa la sheegay inay dhowr jiho ka weerareen ciidamada Kurdida, dhulka lagu dagaalamayo ayey dul marayaan diyaaradaha dagaalka ee xulafada Maraykanka, balse diyaaradahaasi ayaa la sheegay inaysan duqeyn Karin goobta dagaalka ka socdo maadaama aysan kala sooci Karin ciidamada dhulka ku dagaalamaya ee ISIS iyo Kurdida.

Comments

comments