Ukraine: Hubka culus oo aan la qaadin

Date:

Dowladda Ukraine iyo falaagada gooni u goosatada ayaa ku guuldareystay waqtiga kama dambeysta ee isniinta inay hubkooda culus kala baxaan safka hore ee dagaalka.

Labada dhinac ayaa la siiyay labo maalmood ay ku qaadaan hubkooda kaddib markii ay hirgashay xabadjoojintii ugu dambeysay.

Dowladda ayaa sheegtay inaysan dib u baxeyn ilaa dagaalka magaalada Debaltseve uu istaago.

Hogaamiyayaasha Germany, Ukraine iyo Russia ayaa habeenimadkii dagaalka kaga hadlay taleefoon.

Germany ayaa sheegtay talaadadii inay ku heshiiyeen tallaabooyin adag oo siinaya kooxda xabadjoojinta la socdo awood weyn balse ma sheegin waxa ay tahay.

Kooxda la socota xabadjoojinta oo ah ururka ammaanka iyo iskaashiga Yurub, OSCE, oo mas’uul ka ah la socoshada xabadjoojinta ayaa isku dayay inay gaaraan Debaltseve kadib markii falaagada ay u diideen axadii inay galaan.

Afaheeyn u hadlay dowladda Germany, Steffen Seibert, ayaa sheegay in ra’iisulwasaaraha Germany iyo madaxweynaha Ukraine ay weydiisteen madaxweynaha Russia inuu adeegsado saameynta uu ku leeyahay gooni u goosatada si loo xoojiyo xabadjoojinta.

Hubka culus oo safka hore laga qaado ayaa bilaabanaya talaadada sida heshiiska Minsk ahaa.

Xabadjoojinta oo hirgashay axadii ayaa si weyn loo la socdaa inkastoo gooni u goosatada ku adkeysanayaan inuusan heshiiska quseyn Debaltseve oo ah magaalo isku xirta gaadiida oo ay ku hareereysan yihiin.

Duqeyn hubka madaafiicda ayaa lagu soo waramay habeenkii iyo subaxdii talaadada.

Afhayeen u hadlay dowladda Ukraine, Anatoliy Stelamkh, ayaa sheegay in gooni u goosatada ay weerareen saldhigyo ciidmada dowladda.

Falaagada ayaa siiyay ciidmada dowladda dariiq ammaan ah oo ay ku baxaan.

Hogaamiye kale oo falaagada ka tirsan, Andrei Purgin, ayaa sheegay in gooni u goosatada ay qorsheeyeen inay ka hadlaan suurgalnimada hubka oo la qaado galinka dambe talaadaa iyadoo ay joogaan wakiilo ka socdo Ukraine, Russia iyo ururka ammaanka iyo iskaashiga Yurub, sida ay soo warisay wakaaladda wararka ee Russia.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...