Shirkadda Google Oo Sheegtay In Lagu Khasbay In Ay Hawada Ka Saarto Website-yo Badan

Ka dib markii sanadkii la soo dhaafay maxkamadda cadaalada ee midowga Yurub ay soo saartay in Google ay hawada ka saarto in badan oo ka mid ah xidhiidho iyo sidoo kale websiteyo farabadan oo ay adeegsadaan danbiilayaal iyo sidoo kale ururo argagixiso ayaa Google iyada oo ka jawaabeysa waxay hawada ka saartay in ka badan 260,000 oo website iyo links.

Shirkadda google waxay sheegtay in markii ay ku kordheen codsiyada iyo sidoo kale dhaleecaynaha faraha badan ee ay u soo jeedinayaan ururo iyo shakhsiyaad farabadan ay go’aansatay in ay hawada ka saarto websiteyadan halka tiro intaasi ka bandanna laga qariyey in ay arkaan dadka adeegsanaya internetka.

Laakiin midowga Yurub ayaa doonaya in website-yada laga qariyey in ay arkaan dadka ku nool gudaha dalalka Yurub ay ahayd in sidoo kale gebi ahaanba laga qariyo indhaha caalamka, halka shirkadda Google ay ka indhasaabtay keliya dadka ku nool qaaradaasi in ay arkaan shabakadaha ururada argagixisada iyo danbiilayaasha kale.

Comments

comments