Madaxweynaha Soomaaliya oo gaaray magaalada Dhuusamareeb Gobolka Galgaduud

10 Febraayo 2015, Muqdisho: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu horkacayo ayaa maanta ka degey garoonka diyaaradaha ee magaalada Dhuusamareeb, xarunta gobolka Galguduud.

Madaxweynaha oo ay wehliyaan wasiirrada arrimaha gudaha iyo qorsheynta Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen iyo Cabdiraxmaan Yuusf Caynte, mas’uuliyiin, xildhibaano iyo siyaasiyiin kale ayaa socdaalkiisa waxaa uu la xiriiraa uu kuurgelidda xaaladaha siyaasadda, nabadgelyada iyo arrimaha bulshada ee goboladda dhexe.

Wafdiga madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyey mas’uuliyiin, dadweyne farabadan iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Inta uu halkaasi joogo ayaa Madaxweynaha waxaa uu kulamo la qaadan doonaa mas’uuliyiinta, siyaasiyiinta, cuqaasha iyo qeybaha bulshada ee gobolka.

Socdaalka madaxweynaya ayaa ku soo beegmaya iyadoo ay socdaan dadaalo la doonayo in maamul loogu dhiso degaannada gobollada dhexe ee dalka Soomaaliya.

Comments

comments