War Deg Deg Ah: Maleeshiyada Suldaan Wabar Iyo Ciidanka Qaranka Somaliland Oo Ku Dhex Dagaalamay Magaalada Qulujeed Iyo Khasaaraha Dagaalkaasi.

War imika naga soo gaadhay Gobolka Awdal ayaa sheegaya in dagaal ku dhexmaray maleeshiyada a Kacdoonka Awdal ee Suldaan wabar hogaaminayo Iyo Ciidamada Qaranka Somaliland ee Ku Sugan Magaalada Qulujeed.Warkan ayaa sheegaya in Jabhada Kacdoonka Awdal ee Suldan Wabar hogaamiyo iyagoo gaadhi wadata ay soo galeen Magaalada Quljeed isla markaana wax ka iibsadeen suuqa Quljeed islamarkiibana ay ka warheleen ciidamada Somaliland ,halkaasna isku dhac rasaas la isku adeegsaday ka bilaabantay.Labada dhinac ayaa dagaalku markii uu bilaabmay banaanka magaalada iskula baxay waxayna rasaastu socotay ilaa 30 minut.

qaar ka mid ah shacabka reer Awdal oo aanu wax ka waydiinay islamarkaana aanu la xidhiidhnay isla markiiba ayaa waxa ay noo xaqiijiyeen in wax dhimasho ahi meeshaasi ka dhicin balse hal Askari looga dhaawacay ciidamada Somaliland,lama oga dhaawacaasi in uu yahay mid halisa iyo inkale.Dagaalkii labada dhinacna wuxu kusoo afjarmay iyadoo labadiiba goobahoogii ku sugan yihiin.

Gudoomiyaha Quljeed ayaa sida la sheegay waxa uu ku sugan yahay Magaalada Hargeysa oo hadhisharafeed loogu sameeyay Gudoomiyaha cusub ee Awdal.ulu

Comments

comments