Maraykanka & Europe oo isku khilaafsan hubeynta Ukraine

Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa sheegay in ay weli ka fekerayaan inay hub casri ah u diraan dowlada Ukraine oo dagaal kula jirta xoogaga gooni u goosadka ee Ruushka taageero.

Barack Obama iyo Hogaamiyaha Germany Angela Merkel oo kulan khaas ah Isniintii ku yeeshay magaalada Washington ayaa ka wadahadlay xaalada sii xumaaneysa ee dalka Ukraine.

Dalalka Germany iyo France oo kamid ah Midowga Yurub ayaa bilaabay dadaal cusub oo ay ku dhex dhexaadinayaan Ukraine iyo Ruushka, waxayna dalalkaasi sheegeen in xiligan aan loo baahneyn in dalalka reer Galbeedka ay wax hub ah u diraan dowlada Ukraine arrintaasi oo sii xumeyn karta amaanka iyo xasiloonida Qaarada Yurub.

Balse Maraykanka ayaa sheegay in dhankiisa uusan weli go’aan ka gaarin arrinta hubka, wuxuuna Obama sheegay in weli miiska uu usaaran yahay qorshe ah in Maraykanka uu hub ugu deeqo dowlada Ukraine si ay isaga dhiciso xoogaga gooni u goosadka ah ee taageerada militari ka helaya Ruushka.

Comments

comments