Isku Shaandhaynta Madaxweynaha Somaliland Ee Badhasaabadu Maw Gudbi Doonta Golaha Wasiirada.?

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mud. Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) ayaa habeenkii xalay isku badal ku sameeyay Badhasaabada iyo Ku-xigeenada Gobolada, kuwaas oo qaarna xilka laga qaaday kuwo kalena la magacaabay. Badhasaabada, Awdal, Sool iyo Saraar ayaa laga qaaday xilkii ay hayeen, halka ku-xigeenada Saaxil iyo Togdheerna laga qaaday iyagana jagadii ay Qaranka u hayeen.

Marka laga yimaado isku badalka Guddoomiyaasha Gobolada, waxay dadku si weyn ugu dheg taagayaan inay isku shaandhayntu u soo gudbi doonto dhinaca Golaha Wasiirada, kuwaas oo dhawr jeer oo hore la saadaaliyay in Madaxweynuhu gacan galin doono.

Goobaha ay bulshadu ku kulanto iyo fagaarayaasha siyaasadda lagu falan qeeyo ayaa si weyn loo hadal haya in Madaxweynuhu raacin doono wakhti aan foogayn isku badalka Wasiirada.

Si kastaba ha ahaate waxa la sugi doona goorta iyo wakhtiga uu Madaxweynuhu seefta la dhexgali doono  Golahiisa Wasiirada iyo inuu sidaa ku dayn doono siduu dhawr jeer oo hore ugu wargaliyay inay shaqadooda sii wataan.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...