Shaqaalaha Halo-Trust Oo Ka Gadooday Inay Jimcaha Shaqeeyaan Una Dacwooday W.Diinta Iyo Awqaafta Iyo Wasiirka Oo Meel Adag Ka Istaagay Arintaasi.

Date:

“Waxaan Ku Talin Lahaa In Lagu Dabogalo Oo Laga Hortago Inaan Shaqaalaha Lagu Amrin Inay Shaqeeyaan Xiliyada Fasaxyada Qaranka Ee Xeerka Shaqaalaha Somaliland Ku Qeexan”. Wasiir khaliil “Waraysi khaas ah”.
Wasiirka Diinta Iyo Awqaafta Somaliland Md Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed ayaa doraad xafiiskiisa ku qaabilay shaqaale ka tirsan Hay’adda Miina Saarta ee Hello-Trust kuwaasi oo ka cabanayay maalinta jimcaha ah oo jadwalka shaqadooda lagu daray,isagoo wasiirku jawaab qoraal ah oo arintaasi ku saabsan ukala diray Hay’adda Shaqaalaha Somaliland iyo Wasaarada Shaqada iyo Arimaha Bulshada Somaliland kana codsaday inay si deg deg ah aritaasi uga soo talo bixiyaan isagoo hoosta ka xariiqay lana qaatay shaqaalaha in maalinta Jimcaha oo la shaqeeyaa ay adag tahay oo ay Caalamka Islaamka ugu diwaangashan tahay maalin Cibaado.

Wasiirka Diinta Iyo Awqaafta Somaliland Md Khaliil Cabdilaahi Axmed markii uu si buuxda u dheegtay shaqaalaha Halo-Trust ayaa warqada ku socod siiyay Wasaarada Shaqada iyo arimaha Qoyska oo iyadu ku shuqul leh arimaha shaqaalaha,waxa kale oo Warqad ogaysiin ah u diray Hay’adda Shaqaalaha Dawlada,waxa uu wasiirku warqadan uu ku socodsiiyay wasiirka Shaqada Iyo Arimaha Qoyska uu Nuqul ka mid ah u ogolaaday inuu dheegto Wariye wargeysa Foore ka socday oo Wasiirka Xafiiskiisa ugu tagay waxaanay warqadu u dhignayd sidan “wasiir waxaanu halkan kuugu soo gudbinaynaa cabasho nooga timid Shaqaale muwaadiniin Somaliland ah oo u shaqeeya Hay’adda Halo-Trust oo ka cabanaya amar ay ku soo rogtay Hay’addii ay u shaqaynayeen oo ku saabsan inay shaqeeyaan maalinta Jimcaha ah oo ah maalin nasasho,taasi oo ka soo horjeeda xeerararka shaqaalaha Somaliland u dejisan oo dhigaya in shaqaalaha la fasaxo maalinta jimcaha iyadoo la tixgalinayo Salaada Jimce,oo ay xaaraan tahay in xiliga salaada Jimcaha la tukanayo la shaqeeyo,iyo salaada kadib in la soo celiyo shaqaalaha iyadoon la siinaynayn Guno Hawleed(Overtime).
Waxa uu wasiirka diinta iyo Awqaafta Somaliland Md Sheekh Khaliil warqadan uu ku socodsiiyay Wasaarada Arimaha Qoyska ku sii yidhi sidan “Haddaba Mudane wasiir waxaan ku talin lahaa in lagu dabogalo oo laga hortago inaan shaqaalaha lagu amrin inay shaqeeyaan xiliyada Fasaxyada Qaranka ee xeerka shaqaalaha Somaliland ku qeexan. Dhinaca kale qaar ka mid ah shaqaalaha HaloTrust oo la kulmay Wariye wargeysa Foore ka tirsani ayaa usheegay inaan wax guno ah loo qorshayn maalinta jimcaha ah ee lagu soo rogay inay shaqeeyaan waxaanay sheegeen in lagu bahdilayo Caqiidadooda Islaamka ah lana eegayo bal jawaabta ay ka bixiyaan iyo sida ay uga ficil celiyaan,iyagoo sheegay inaanay shaqaalaha dhigooda ah ee Hay’addaha ajaanibka u shaqeeya aanay jadwalka shaqada ugu jirin Maalinta Jimcaha ah oo Umada Islaamka u ah maalin Cibaado.
shaqaalaha ka hawlagala Hay’adda Hollo-Trust ayaa maalmihii u dambeeyay si weyn uga qaylinayay Maalinta jimcaha ah oo ay shaqada ka nasan jireen oo loogu soo daray maalmaha shaqada iyagoo si weyn uga gilgishay inay maalintaasi shaqeeyeen ,waxay markii hore dacwad u gudbiyeen madaxda Hay’adda Halo Trust markii ay wax ka qaban waayeene waxay u soo gudbeen Hay’addaha dawlada Somaliland ee arimahan oo kale wax ka qaban kara.
Xigasho Foore.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...