Wafdiga Erdogan oo soo gaba gabeeyey booqashadii Muqdisho

Date:

Garoonka Diyaaradah Aadan Cade ee magaalada Muqdisho waxaa gelinkii dambe ee maanta ka duulay wafdigii u hogaaminayey madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyib Erdogan oo booqasho maalin ah ku yimid magaalada Muqdisho.

Wafdiga waxaa garoonka ku sii sagootiyey madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh, Raysal wasaare Cumar C/rashiid, Gudoonka Baarlamaan, wasiiro hore xubno ka tirsan madaxtooyada Muqdisho iyo dadweyne.

Madaxweyne Erdogan ayaa maanta xariga ka jaray mashaariic hormarineed oo dowladda Turkiga ka fuliyey Magaalada Muqdisho, waxaan mashaariicdaa ugu balaarnaa Terminalka Garoonka Aadan Cade iyo Isbitaalka Erdogan oo horay loo oran Jiray Digfeer.

Wafdigu waxay heshiis la galeen madaxda dowladda federaalka iyagoo ka soo saaray qodobo lagu cadenayo heshiiska oo ay ka mid ahaayeen balan qaadka dowladda Turkiga ee muddooyinka soo socda qorshaha hormarinta ee Soomaaliya, Wada shaqaynta safaaradaha labada dalka oo lasii xoojinayo.

heshis

Erdogan oo hadal ka jeediye shirka ayaa sheegay in dowladda Turkiga mashaariicdan u yihiin isu soo dhawaanshe dhexmaraya dowladaha iyo dadka Walaalaha ee ka soo kal jeeda Turkiga iyo Soomaaliya, Wuxuu balan qaaday in shirkada diyaaraha Turkish Airways ay maalinkasta imaan doonto Muqddisho halka hada ay Muqdisho todobaadkii Afar maalin ay timaado.

Sanadkii 2011-kii ayuu Madaxweyne RecepTayyib Erdogan Soomaaliya yimid xiligaas oo uu ahaa raysal wasaaraha Turkiga ayuu noqday masuulkii ugu sareeya ee Muqdisho yimaad 20 Sano ka dib, waxaan uu markiisii labaad yimid maanta oo ay taariikhdu tahay 25 Janaayo  2015 isagoo madaxweynaha.

 

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...