Turkiga oo mashaariic u balan qaaday Dalka Jabuuti

Date:

Madaxweynaha Dalka Turkiga Racep Tayyib Erdogan oo booqasho ku jooga dalka Jabuuti ayaa kulan la qaatay madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele, waxaana uu Turkigu balan qaaday mashaariic dalkaas laga fulinayo.

Kulanka labada madaxweyne ayaa looga hadlay sidii Turkiga iyo Jabuuti iskaga wada shaqayn lahaayeen arrimaha ganacsiga, xoojinta xiriirka labada dowladood iyo la dagaalanka Burcad badeedka iyo Argagixisada.

Dowladda Turkiga waxay Jabuuti u balan qaaday in mashaariic lagu hormarinayo waxbarashada, Caafimaadka iyo mashaariic la xiriira hormarka dalka isagoo cadeeyey in dowlada Jabuuti uu la qonayo saaxiib dhow.

Ugu dambayn heshiiska iyo wadahalka labada madaxweyne ayey ka soo saareen heshiis lagu cadenayo kulankooda iyo balan qaadka Turkiga waxaana ukala saxiixay wasirada arrimaha dibada Dalalka Jabuuti iyo Turkiga.

Dhinaca kale maanta ayaa la filayaa in wafdiga madaxweynaha Turkiga ay soo gaaraan magaalada Muqdisho oo Jimcihii lagu balan sanaa in ay soo gaaraan walow uu dib u dhacay safarka madaxweyne Erdogan ka dib geeridii boqorka Sacuudiga.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...