Qarammada Midoobay, Midowga Yurub & Maraykanka Oo Somaliya Ku Canaantey Dib-U-dhacyo Siyaasadeed Iyo Qadiyadda Somaliland Oo U Tallowday Fagaarayaasha Adduunka

Date:

Qaramada Midoobay,Urur gobolleedka IGAD,Midowga Yurub, Maraynkanka, howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM iyo Dowladda Ingiriiska ayaa si wada jir ah war uga soo saaray siyaasadda cakiran ee ka jirta dalka Soomaaliya, waxayna ku baaqeen in laga gudbo wax kasta oo cabaqad ku noqon kara hiigsiga doorasho sanadka 2016-ka ka dhacda Soomaaliya.

Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Maraykanka iyo ururrada kale ee taageera geedi-socodka dawladda Soomaaliya, ayaa qoraalkooda ku sheegay inay ka walaacsan yihiin dib u dhac iyo xalka gaadhis la’aanta siyaasadaha is-diidan ee dalka ka jira iyo waliba hirgalin la’aanta istiraatijiyad dowladeed oo rasmi ah. Waxayna beesha caalamku ka digtay dib u dhac dheeraad ah oo ku yimaadda horumarka laga gaadhayo dhismaha nabadgalyada Soomaaliya,taasi oo ay ku tilmaameen inay wiiqi karto horumarka la doonayo inuu cagihiisa u istaago.

“September 2016, waxaa ka hadhsan wakhti cayiman, xilligaasi oo la iclaamiyay inay dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah” ayaa lagu qoraalka wada jirka ah oo intaasi ku daray “Dhammaan hay’adaha kala duwan ee Dowladda waa inay diirada saaraan dhismaha dalka iyo hirgelinta danaha Qaranka”

Hadalkan ayaa ku soo beegmaya toddobaad uun ka dib markii Raysal-wasaaraha cusub ee Soomaaliya uu dib ula laabtay Golihii wasiirrada ee uu soo Magacaabay, ka dib markii aqlabiyadda Baarlamaanku sheegeen in aanay codka kalsoonida siinayn, mar haddii Golaha wasiirrada ay ku jiraan xubno ka tirsanaa xukuumaddii la riday ee Raysal-wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed, kuwaasi oo ka mid yihiin, Wasiirrada Garsoorka, Maaliyadda iyo xubno kale oo lagu eedeeyay inay adeegayaal u yihiin dawlado shisheeye.

Canaanta ka soo yeedhaysa beesha caalamka ee taageerta Soomaaliya, ayaa ku soo beegmaysa xilli diblumaasiyadda Somaliland ee beesha caalamku kor u kacday isla-markaana toddobaadkii dhamaaday xarunta Midowga Yurub lagu qabtay dood dheer oo ku aadan qadiyadda Madax-banaanida Somaliland.

Dooddan oo lagu qabtay Magaalada Brussels ee xarunta Baarlamaanka Midowga Yurub isla-markaana uu soo qaban-qaabiyey xildhibaan Jame Carves oo Baarlamaankaasi ugu jira xisbiga UKIP ee boqortooyada Ingiriiska, ayaa intii dooddaasi socotay waxa weftigii uga qayb-galay Somaliland lagu waydiiyey su’aalo badan oo la xidhiidha qadiyadda Somaliland, waxa ay Somaliland ahaan jirtay imika ka hor, wada hadallada Somaliland kula jirto Soomaaliya, sidaana waxa sheegay Wasiirka Arrimaha dibadda ee Somaliland, Maxamed Biixi Yoonis oo saxaafadda uga waramay maxsuulkaasi doodda uu Baarlamaanka Yurub ka yeeshay qadiyadda Somaliland.

Wasiir Biixi oo arrimahaa ka hadlayaa waxa uu yidhi “Waxaa nala waydiiyay Su’aalo fiican oo na siisay fursad aanu dadkii ugu sharaxno qaddiyadda Somaliland waxay tahay. Waxaa nala waydiiyay wada hadalladii (Somaliland iyo Soomaaliya)halkay marayaan,waxaa nala waydiiyay waddanku siduu ahaan jiray, dadka intooda badanna kama qarsoona Somaliland horumarka ay gaadhay, hadday tahay xagga nabada,xagga Dimuqraaddiyadda,xagga doorashooyinka, taas oo ay aad u dhiiri galiyeen oo ay aaminsan yihiin, in mabaadiida Caalamku aad u aaminsan tahay, kuwaas oo ay ka mid yihiin Xuquuqal Iisaanka,Warbaahinteena sidaynu ula dhaqanno iyo Sharciga oo sarreeya”

Wasiirka oo sii faahfaahinaya kulankaasi ayaa sheegay “Markaa Dadka aanu Maanta u nimid waxaanu u sharaxnay inaanu waddamo fara badan oo dunida iyo Afrika ah kaga horayno arrimaha Xuquuqal iisaanka,Dimuquraaddiyadda iyo sida aanu Nabadayada u dhisanay. Waxaanu u sharaxnay dagaalka weyn ee Somaliland kula jirto Argagixisada,Budhcad badeeda,taas oo haddii aanay Somaliland Arrimahaas galin dhibaatada halkaas taala ay halkanna iman doonto, aad iyo aadna way ugu qushuuceen halka ay nabad galyada kaga jirto Somaliland”ayuu yidhi, Wasiirka Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland.

Source: Somaliland Today

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...