Maamulka AWDAL Oo Rasaastii Ka Dhacday Borama Ku Xidhiidhiyey Suldaan WABAR Iyo Ciidamada Ammaanka Oo Bilaabay Hawl-gallo Dheeraad Ah

Date:

Maamulka Gobolka AWDAL, ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay dablay hubaysan oo habeen hore rasaaseeyay saldhigga ciidamada booliska ee Magaalada Borama, kuwaasi oo markii dambe baxsaday.

Badhasaab ku xigeenka gobolka AWDAL, Cabdiraxmaan X.Nuur Sugaal iyo Maayarka degmada Borama oo shalay warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in saqdii dhexe ee habeen hore lagu toosay rasaasta dablaydaasi iyo jawaabta uu boolisku ka bixiyey, hasa-yeeshee aanay ka iman wax khasaare ahi.

“Rasaas dhaceysa ayaanu ku war helay 2:30 habeennimo, laakiin weerarkii la soo qaaday laguma guuleysan oo wax khasaare ahi kama imanin. Waxaan leeyahay ha la ilaaliyo nabadgalyada, dadweynuhuna ha soo sheegaan hadday arkaan wax dawladda duulaan ku ah” ayuu yidhi, badhasaab ku xigeenka AWDAL, waxaanu intaasi ku daray inay filayaan in weerarkan ay Borama ku soo qaadeen waxa uu ugu yeedhay jabhad ku sugan xadka Itoobiy “Waxa jirta jabhad ka baxday Gobolka (AWDAL) oo joogta xadka Itoobiya, kuwaasi ayaanu filaynaa inay weerarka soo qaadeen, laakiin wax khasaare ahi kama iman oo dad kuma dhicin”

Hasa-yeeshee Maayarka degmada Borama Saleebaan Xasan Xaddi, ayaa isagu sheegay in dhacdadii habeen hore aanay ahayn wax la buun-buuniyo “Horta Rasaas way dhacday, laakiin sida loo buun-buuninayo may ahayn, Ciidanka Booliskuna kolay wax way rideen markay maqleen Shanqadha xabadda dhinaca kale, laakiin wax weyn may ahayn, waayo markii ay Xabbadda Ciidanka maqleen meesha way ka yaaceen (Kooxda Booliska Rasaasaysay), markaa waa wax weyn oo dhacay lama odhan karo”ayuu yidhi, Maayar Xaddi.

Dhanka kale, ciidamada ammaanka ee gobolka AWDAL, gaar ahaan kuwo ku sugan Borama ayaa shalay ilaa xalay kordhiyey ammaanka Magaaladaasi, waxaana baadhitaan lagu hayaan dadkii isku dayey inay saldhigga booliska weeraraan oo la tuhunsan yahay inay weli ku dhuumaalaysanayaan halkaasi.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...