Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland Oo Qabtay Markab Siday Shixnad Hub Ah

Ciidanka amaanka xeebaha Somaliland ayaa la sheegay inay Markab sida Shixnad Hub ah ku qabten Dekedda Berbera.markabka ayaa Alaabooyin u siday Ganacsato Somaliland ah balse markii laga rogay ayaa xaggiisa hoose laga helay Hub iskugu jira Mid culus iyo Mid fudud.

Ilaa hadda war rasmi ahi kama soo bixin Arrintan balse wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Markabkan oo lagu magacaabo MV-Shakir Hubka lagu qabtay kala ahaa Hal Beebee, Hal Kaare oo ka mid ah gaadiidka dagaalka iyo 10 Landcruiser oo ay ka buuxaan shixnado hub ahi.

Inkasta oo wararku sheegayaan in Wasiirka Daakhiligu xalay dekedda ku bookhday Markabkan haddana ilaa hadda war faahfaahisan lagama hayo. Wararku waxay sheegayaan in Hubkan loo siday dhinaca dalkan dunida ugu da’da yare e South Sudan oo baryahan dagaalo sokeeye ka socdeen.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in Kabtanka Markabkaasi Xabsiga la dhigay kaddib markii uu haddalo kala duwan oo ku aadan meesha uu u waday Hubka ah u sheegay Ciidanka.

Comments

comments