SOMALILAND: Guddida Jidka Ceerigaabo Oo Sharaxay Halka Dhismaha Waddadu marayso iyo Xaddiga Lacagaha Ay Hayaan

Date:

Guddida wada Dhismaha Jidka isku xidha Burco iyo Ceerigaabo oo Xukumadda Madaxweyne Siilaanyo bilawday ayaa maanta kulan ay ku yeesheen Qasriga Madaxtooyada waxay ku sheegeen halka ay haatan wadadu marayso, iyagoo sidoo kalena faahfaahin kaga bixiyay Lacagaha soo galay.

Gudoomiyaha Guddida Wasiir Xirsi Cali Xaaji Xasan oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inay haatan hayaan Lacag dhisaysa ilaa boqol Kilomitir oo wadada Ceerigaabo ah “Waxaanu hore u sheegnay inaanu ugu yaraan sanadka hore ka shaqayno 100Km oo wadada Ceerigaabo ah, waxaanuna haynaa Boqol KM inka badan lacagteedii” ayuu yidhi Wasiir Xirsi.

Wasiirku waxa uu sheegay in haatan ay dhamaadeen 30KM oo aan wali Daamurkii la saarin “Wadada hadaan ka waramo halkay marayso iyo qorshaheeda, difcaadii hore waxay ahayd 30Km oo ahayd 10Km oo xagga shishe laga bilaabay iyo 10Km oo xagga soke laga bilaamay iyo 5Km oo Gar adag laga bilaabay iyo 5Km oo Ceel-afweyn laga bilaabay, 30Km way dhamaadeen waxaana gacanta lagu hayaa Daamurkii oo u yimid” ayuu yidhi Wasiir Xirsi.

Wasiir Xirsi waxa uu sheegay in todobaadada soo socda xadhiga laga jarayo 30Km islamarkaana la bilaabi doono 40Km oo kale.waxa uu sidoo kale sheegay in daamur badan oo la dalbay hadda laga rarayo dekedda Berbera.

Wasiir Xirsi waxa uu sheegay inay guud ahaan daafaha Caalamka ka timid lacago kala duwan kuwaasi oo qurbejoogtu soo dirtay, sidoo kalena dalka lacago badan laga Ururiyay.

10003451_699229733524216_3496819815906856763_n 10292157_699229890190867_8768557479084399895_n 10891638_699230706857452_7416360504089043338_n 10891722_699230190190837_5829606862943220077_n 10917402_699229950190861_992396638601774631_n

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...