Somaliland: “Warbixin Koobsanaysa Halka Uu Ka Soo Bilaabay Loolanka Iyo Ismuquuninta Mudooyinkii U Dambeeyay Ka Dhex Taagnaa Siyaasiyiinta Beesha Sacad Muuse Kaga Jira Kulmiye Iyo Hadalkan Siilaanyo Uu Shalay Ku Sheegay In Xisbigu Yahay Dimuqraadi Laguna Dhex Tartamayo”.

Date:

laba cisho uun ka hor safarkii Ugu dambeeyay ee Madaxweyne Siilaanyo uu ku tago Wadanka Ingiriiska,waxa la sheegay in kulan gaar oo ka dhacay qasriga Madaxtooyada Somaliland lagu lafo guray qaabkii xisbiga Kulmiye loo dhisi lahaa islamarkaana loo dardar galin lahaa qaabkii uu Xisbigu marlabaad ugu guulaysan lahaa talada wadanka,iyadoo si weyn la iskugu adkeeyay inaanay sirtaasi dibada uga bixin,waxa kale oo la sheegay in Madaxweyne Siilaanyo Carabka ku adkeeyay oo soo mariyay wax uu ugu yeedhay abaalkii ay u galeen Kaadiriyiinta Beesha Sacad Muuse kaga jira Xisbiga kulmiye iyo guud ahaan beel weynta ee ay gashadeen walaalahooda Habar Jeclo,waxa kulankaa ku balan qaaday in abaalkaasina beeshiisu diyaar u tahay inay gudo.

Markii shirkaa mudada dheeri ka soo wareegtay sidaa looga soo baxayba waxa uu Muuse Biixi bilaabay hadal iyo gurxan,waxaanu isagoo firka naxsan orod kaga soo daan degay Kaabada qolkii shirkani ka dhacayay,waxa ay albaabka hadalo kulul isku waydaar sadeen Wasiir Abiib Timacad oo uu ku yidhi “waxaad dhan ka tahay shirqoolka la ii maleegayo iyo Boqrida Wasiir Samaale,waa inoo dagaal” Waxaanu abiib ugu jawaabay “ car hadaad nin tahay ninkan aad leedahay waa la boqrayaa dabadiisa haka hadline hortiisa ka hadal, waanu kaa kalsooni badan yahay,Xag Alle Iyo Xag Bini-aadanba”. Ninkii ay siilaanyo isku ogaayeen inaan sirtaasi dibada loo saarin ayaa orod kaga baxay madaxtooyada habeenkaasi waxaanu shir iskugu yeedhay jufadiisa hoose isagoo u sheegay in madaxtooyadu qawracayso oo ay boqrayso Wasiir Samaale,waxa uu u sheegay in Siilaanyo uu cadeeyey inaanu musharax ahayn islamarkaana uu doonayo Silaanyo inaanu Samaale xisbiga Kulmiye gudahiisa ku kala hadhno isna uu jufadiisa u cadeeyay inaanu kalsooni badan ka dhex haysan Xisbiga oo uu Samaale kaga ka awood badan yahay islamarkaana uu muquuninayo.
Inyar kadib ayaa waxa uu Muuse la hadlay labada wargeys ee Geeska iyo Ogaal waxaanu u sheegay wixii madaxtooyad habeenkaasi ka dhacay isagoo shaaciyay sirtii la isku ogaa in la qariyo,waxa uu u sheegay labadaasi wargeysa in shir madaxtooyada ka dhacay oo uu ka qayb galay islamarkaana uu madaxweyne Siilaanyo gudoominayay loogu soo cadeeyay inaanu madaxweyne Siilaanyo sanadkan soo socda musharax ahayn,waxa uu u raaciyay in laga xan qarsanayo oo madaxtooyadu wadato Cabdicasiis Samaale. Waxa yaab iyo fajiciso noqotay kadib markii madaxtooyadu warkii iyo shirkii xalay oo la buun buuniyay ku aragtay qaar ka mid ah joornaalada Hargeysa ka soo baxa, islamaalintiibana waxa uu siilaanyo u baxay safar dibada ah. Intaa kumuu ekaan Muuse biixi,waxa uu bilaabay dhooqayn iyo ka ciidayn inaanay Samaale isla gaadhin Tartan xisbiga Gudihiisa,waxa uu lacag waydiistay Ganacsade Maxamed Awsiciid waxaanu sidoo kale soo kiraystay awr kirooleyaal caanka ah Sacad Muuse Gudahooga,waxa uu bilaabay shirar doceedyo ay bulshadu ku jahawareertay waxa uu ula jeedo,waxa uu ganacsade Maxamed Awsicid u sheegay inaanu madaxweyne Siilaanyo Musharax ahayn ee uu doonayo inuu sanadkan gudo abaalkii beesha Sacad Muuse ay u gasha,waxaanu ka codsaday maxamed Awsiciid inuu ka kaalmeeyo dhinaca Cuqaasha beesha iyo gudidii Beeshu ku soo dooratay shirkii Agabar oo siilaanyo la tuso sawir ah in beeshu wadato Muuse Biixi,waxa kale oo uu u balan qaaday Maxamed Awsiciid hadii Samaale uun uu dhaafiyo inuu kursiga helayo islamarkaana uu balan qaaday inuu ganacsigiisa kor u qaadi doono,ragaadina doono Dahabshiil iyo cida la hal maasha ee uu ka eed sheeganayo.
Ganacsade Maxamed awsiciid ayaa bilaabay dhaq dhaqaaqyo uu Muuse ka dab qaadanayo,isagoo iskugu yeedhay qaar ka tirsan laaluush qaatayaasha salaadiinta da’da yar, isagoo adeegsanaya lacagiisa islamarkaana Albaabada ooda ka saaray tukaanadiisii ganacsiga ee shaqaynayay lagana yaabo inuu eedo dhaq dhaqaaqsi xaaraanta ahaa. Isku soo wada xooriyo waxa uu lacag u qaybiyay qaar ka tirsan gudidi Beesha sacad Muuse ku soo dooratay Shirkii Agabar gaar ahaan kuwii ugu masuuliyada liitay oo aan ilaa hada wajiyadooda la garayna,waa uu shiriyay,waxaanu u codeeya yidhi saddex musharax ee hankoooda iclaamiyay ee Cabdicasiis Samaale,Maxamed Biixi iyo Muuse Biixi,waxa ay raaceen jidkii uu lacagta ugu balan qaaday ee uu degta ku sitay,isagoo meesha soo dhigan Hadalkan Siilaanyo ee Shalay gawracay kadib markii ay lacag badan ka baxday.
Isku soo wada xooriyoo,waxa uu gabal baasi u dhacay shalay Muuse Biixi iyo Maxamed Awsiciid kadib markii uu hadlay Madaxweyne Siilaanyo ee uu cadeeyay in xisbigu Dimuqraadi yahay laguna dhex tartamayo,islamarkaana uu ugu baaqay inaan meel cidlo ah lagu daalin isagoo uga jeeday inuu Muuse joojiyo beesha uu la dhex wareegayo ii codeeya islamarkaana waxa uu ka dhawaajiyay siilaanyo in musharaxa uu xisbiga Kolihiisa dhexe soo saarayo ee aanay beeli soo saari Karin,isagoo carabka ku adkeeyay inaan la ilaawin tartan Axsaabta ka dhexeeya yacnihii cid kooto loogu xidhaa waxay hoos u dhigaysaa oo ay khatar ku tahay Jiritaankii Xisbiga Kulmiye.
Muuse shalay waxay u ahay maalin madaw,oo mugdi ah,waayo waxa uu isku qanciyay in musharaxa Kulmiye ka soo dhex baxay shirar beesha sacad Muuse laga dhex agaasimo,waxa uu la shalatoobay lacagtii badnayd ee ganacsade maxamed AWSICIID kaga baxday Shirarkii,waxaana la sheegay in maxamed Awsiciid intuu shalay la soo hadlay ku yidhi Muusaw waxaad noo sheegaysay ee aad lahayd madaxtooyada ayaa aniga iyo Samaale na tidhi ku soo kala hadhay beeshiina maxay kaa ahayd,waxaana la sheegay inuu muuse odhaahdaasi saliimka kaga jawaabay aamus iyo oohin.
Maxamed Biixi Yoonis iyo Cabdicasiis Samaale ayay shalay u ahayd maalin ay filayeen,waxay dhawr jeer hore ugu baaqeen madax dhaqameed iyo rag badan oo ay cumaadu ka dhacday inaanay shaqadaasi u oolin beesha ee ay u taalo Xisbiga Kulmiye,waxay dhawr jeer shaaciyeen inaan laga dhagaysan siyaasiga reer wax ku raadinaya ee beesha kala qaybinaya ee ay beeshu sugto kooda ka soo baxa Golaha dhexe ee Xisbiga kulmiye. Si kastaba ha noqotee arintii waxa lagu celiyay halkii ay saxda ku ahayd waxaana la filayaa ninkii isku kalsooni inuu halkaasi iska soo xaadirin doono kii aan isku kalsoonayna uu iskaga tago xisbiga kulmiye.

W\Q Faaliyaha Qaranka

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...