War-saxaafadeedkiisana Waxa Uu u Dhignaa Sidan:- Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa , ka hogaanka xisbiga, Gudida fulinta , Golaha Dhexe iyo dhamaan xubnaha iyo taageerayaasha xisbiga kulmiye wuxuu Hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Md, Ismaaciil Cumar Geele, Madaxda Mucaaridka Jabuuti, iyo dhamaan shacabka reer Jabuuti, isagoo ku hambalyaynaya Heshiiska ay gaadheen maxawaynaha Jabuuti iyo mucaaradka wadankaasi.
Gudoomiyuhu wuxuu heshiiskaa u arkaa mid wax-tar u leh midnimada iyo horumarka reer Jabuuti iyo guud ahaan mandaqada Geeska Afrika.
Gabagabadii wuxuu Salaan iyo Hambalyo udirayaa Madaxwaynaha Jabuuti iyo shacabkiisa Curashada sanadka cusub ee miiladiga, isagoo u rajaynaya in sanadkan kiisa ku gaadhan Nabad iyo Horumar.
HAMBALYO HAMBALYO HAMBALYO
ALLAH MAHAD LEH
Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye
Md. Muuse Biixi Cabdi