Israel Oo Dakhli Gaadhaya 127 Milyan Ka Joojisay Falastiin iyo Saamaynta Ay Nolosha Falastiin ku Yeelatay

Date:

Dawladda Israel, ayaa joojisay Cashuuraha ay Maamulka Falastiin siin jirtay, iyadoo kaga aar-goosanaysa talaabada Falastiin kaga mid noqonayso Maxakamadda Caalamiga ah ee Dambiyada Dagaalka. Lacagtan ayaa Israel xaddigeeda ku sheegay 127 milyan Oo Dollar.

Ururinta Cashuurahan Israel ka qaado Qaybo ka mid ah Falastiiniyiinta oo Bishiiba mar ay u gudbiso Falastiin ayaa qayb ka ah heshiis hore,hase ahaatee Israel ayaa dhawaan sheegtay inay talaabo ka qaadayso hanka Falastiin ku doonayso inay qayb kaga noqoto Maxakamadda ICC iyo Heshiisyo caalami ah oo kale.

“Waxay ahayd in Lacagta Bishii December la gudbiyo Jimcihii, laakiin waxaa la go’aansaday inaan la gudbin waxaanay qayb ka tahay jawaabta Israel ka bixinayso Codsiga Falastiin ee ICC-da” ayuu Hay’adda warbaahineed ee Haaretz daily oo Israel ka soo baxda u sheegay Sarkaal aan magaciisa la sheegin oo Israel ah.

Erekat oo ah mas’uul sare oo ka tirsan maamulka Falastiiniyiinta ayaa tallaabada Israa’iil ku tilmaamay ciqaab wadareed sharci darro ah.

Saeb Erekat, oo u hadlay Falastiin, ayaa sheegay in Aar-goosiga Israel sababayo inaan Dad badan oo Falastiiniyiin ahi qaadan Mushaharka bishii December “Israel waxay Macaamiishayada ka urursay Cashuurtayada, sidaas darteed markay soo dayn waydo waxay noqonaysaa inaan dadku Bishan iska bixin karin Kharashaadka Iskuulada,Adeegyada Caafimaadka,Caanaha iyo Cuntada.

Arrintan ayaa Imanaysa maalmo ka dib markii Falastiin Codsi ku salaysan ka mid noqoshada Maxakamadda Caalamiga ah ee Dambiyada dagaalka u gudbisay Xoghayaha guud ee Qaramada midoobay, sidoo kalena saxeexday Cahdiyo badan oo Caalami ah. Arrintaasi ayay falastiin uga dan lahayd sidii ICC-du Awood ugu yeelan lahayd inay dambiyo dagaal ku soo Oogto Israel, waxaana talaabadaasi degdeg uga jawaabay Israel iyo Maraynka oo diidmo ka muujiyay.

Source: Ramas News

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...