Maxkamada Sare ee Kenya oo hakisay Sharciga Amniga Kenya

Maxkamada ugu sareysa dalka Kenya ayaa joojisay dhaqan gelinta sharciga cusub ee amniga iyo la dagaalanka argagaxisada oo ay kasoo horjeedaan xisbiyada mucaaridka.

Sharcigan oo uu Baarlamaanka Kenya ansixiyey xili buuq iyo gacan ka hadal halkaasi ku dhexmarayey xildhibaanada Kenya, ayaa waxaa dhamaadkii sanadka saxiixay Madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Xisbiyada Mucaaridka ayaa dacwad ka dhan ah sharcigan u gudbiyey Maxkamada sare ee Kenya, iyagoo sharcigan ku tilmaamay mid ku xadgudbaya madax banaanida saxaafadda iyo xoriyada muwaadiniinta Kenya.

Maxkamada Sare ayaa go’aankeeda ku sheegtay in qodobo kamid ah sharcigan uu yahay mid u baahan in wax laga bedalo, tusaale ahaan in qofkii looga shakiyo falal argagaxisnimo in xabsiga lagu hayn karo muddo 1 sano ah maxkamad la’aan, qodobadaas iyo kuwo kale ayey maxkamada ku sheegtay kuwo ka horimaanaya dastuurka dalka.

Source: Horseed Media

Comments

comments