”Somaliya Waxa Baabi’iyay Siyaad Bare Iyo Intii Agjoogtay Oo Ayax Ku Noqday.” Prof Samatay

Prof-SamatarProf. Axmed Ismaaciila Samatar ayaa muxaadaro uu ka jeediyay xarunta dhaqanka ee Hargeysa kaga hadlay dhaqanka iyo horumarka, isla markaana kaga jawaabay su,aalo ay ardayda jaamacaduhu ka waydiiyeen hogaaminta, warbaahinta iyo arrimo kale.

Prof. Samatar mar uu ka hadlayay hogaaminta iyo qabyaalada wuxuu yidhi;“Giriigii hore wuxuu odhan jiray Kalluunku markuu qudhmayo madaxuu ka bilaabmaa Qudhunku, hogaamiyaha wadan haddii aanay ku dhaqmin oon laga arag maalin walba inay ka Xoroobeen Qabyaaladda, albaabku wuu xidhan yahay.Anigu mid baan idiin sheegayaa, runta hadii aan la isu sheegin waxba ma soconayaan, barriga Somaliland dhibaataa ka taagan waad ogtihiin, Galbeedka Sannadkii hore ayaan idiin sheegay oon idin idhi halkaa Xummad baa ka soo socota galbeedka, xumaddaa hadaan laga fikirin oon hawsheedii la gelin way dillaaci doontaa.
Waxay igu yidhaahdeen walaalaheenaa Bariga oonu halkaa wada joogno oonu aad u sheekaysanay Samatar, adigu waad dhega beeshoo waxba ma maqlaysid oo meel kale ayuun baad ku jeedaaye, Waar dee Madaxweynaha Somaliland markuu meel tegayo ee uu Wefti kaxaysanayo, shan nin oo Isaaq ah ayuunbuu kaxaystaa, laba yaroo kalena wuu ku soo darsadaa oo muunad ah, dad kale miyaanay waddanka joogin, waan eegay waxbaa ka jira”.

Wuxuu intaa ku daray oo uu yidhi; “Hadday Somaliland tahay marka bannaanka la soo joogo dadka waa in laga muuqdaa, muuqashaduna maaha waar dee reer Hebelna ha lagu daro, taa uma jeedo, waxa weeye dad shaqadan qaban kara, tayadana layska arkaayo, laakiin hadii la yidhaahdo waa reer Hebel iyo Reer Hebel meel ma gaadhayno, laakiin waa in la yidhaahdaa dadka caynkaas ah baynu diraynaaye xaafadihii maye dadkii tayada lahaa, shaqada noocaas ah waa in la qabtaa, Anigu Profbaan ahayoo waan iska hadliye, dee Waddankuna waa Dimuqraadi, runta ayaynu ku illaalin karnaa qasnadda aynu meel dhiganay, markaa hogaamintu ama Axmed iyo inta ag joogta maanta ha noqoto, ama kuwiina soo socda ha noqoto, mar kasta waa in madaxda laga arkaa Calaamadihii inay ku dhaqmayaan inay yihiin dad ka xoroobay, xiitaa haddii lagu dhagaxaynayo, waar dee kaasi dad kale ayuunbuu siinayaa wixiiye ha yidhaahdaan, waxaynu u baahanahay Madaxda maanta joogta iyo kuwa soo socdaaba inay is beddelaan.
Madaxdaa laga dab qaadanayaa, Dawladdii Somaaliya maxaa baabi,iyay, Maxamed Siyaad Barre iyo intii ag joogtay ayaa baabi,iyay oo Ayax ku noqday, dabadeedna waa laga yaacay, oo la yidhi waar waxan aan iska qabano”.
Mar uu dhinaca warbaahinta iyo tayada dadka ka shaqeeya ka hadalayay wuxuu yidhi; Arrinta warbaahinta aad bay muhiim u tahay, Anigu waxoogaa baan Weriye ahaan jiray, kuwii dhabta ahaana waan isku haystaa waayo waa nala tababaray, markaan tegay een Camuud ka soo baxay ee Muqdisho tegayna Imtixaan baan galay, wakhtigaa reer Somaliland oo dhami Muqisho ayay isku shubeen oo muuska ku cunayeen, Hargeysi daabiyad bay ahayd ma ogtahay waa la guuray, laakiin aniga siday ila tahay inay Hargeysi dib ugu noqoto daabiyad dambe Xaaraan bay ka tahay.
waan tagnay, Idaacadaa la yidhi waxa la qaadanayaa saddex qof oo Warka akhriya toddoba cisho ayuu imtixaan noo socday oo kolba qaar la reebayay, 77 baanu ku galay, 1968 bay ahayd, imtixaanka dadka qaadayay Afar qof bay ahaayeen qof reer Somaliland ah ayaa ku jiray, saddexda kale waxay ahayeen Koonfurta, qofka Somaliland kaga jiray, Alle haw Naxariistee Maxamed Xaashi Cabdi baa la odhan jiray, saddexdii noqotay 1,2,3 ee soo hadhay ee Shaqada la siiyay, saddex reer Somaliland ah bay noqdeen, Aniga, Siciid Caddaani iyo Weli Xaaji Cali AHN.

hadday Qabyaaladi barigaa jiri lahayd, dee Maxamed Xaashina keligii buu noqon lahaa oo cidlo ayuu ku dhici lahaa, annagana way naga xidhmi lahayd, waxaan uga jeedaa Afar bilood in ku dhow ayaa nala barayay sida Warka loo akhriyo, sida loo tifaftiro , waraysiyada sida loo qaado, mawduucyada sida loo kala doorto, waxaas oo dhan, halkan waxa dhacday imika, aniga oo dhallinyarada aad ugu qalbi jilicsan, laakiin waan arkayaa qof Makarafoon iska sita oo leh “Haa Weriyaan ahay”.

tabobarna ma jiro, markaa xitaa ma tifaftiri karayaan waxan ay idaacada Gelinayaan, Wargaleen ma yahay mise maaha, Beeshii reer hebel baa halkaa ku shiraysa, ok ha ku shiraan laakiin in Idaacadda iyo adduunyada loo sheego maxay macno samaynaysaa, laakiin waa inay jirtaa cid qiimayn karta maxaa War u qalma, maxaa Barobagaando ah, maxaa anigana ha lay arko ah, waxaas ayaa baaba’ay, markaa waxyaabahan aynu u baahanahay Jaamacaduhu inay sameeyaan meelo lagu tabobaro dadka noocaas ah.Haddii taa la helo waxa la helayaa Filterkii lagu kala saari lahaa si aanay inoogu badan Beesha reer hebel baa shiraysa TV-ga ka soo baxda”.

Comments

comments