Boqor Cabdullahiga Sucuudiga oo Isbitaalka la dhigay

Boqor Cabdullahi Bin Cabdulcasis madaxa boqortooyada Sucuudiga ayaa la dhigay isbitaal ku yaal magaalada Riyad, kadib markii xaaladiisa caafimaad kasii dartay.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Boqortooyada maanta oo Arbaca ah ayaa lagu sheegay in Boqor Cabdullahi uu baaritaan caafimaad ku marayo isbitaalka Cabdulcasis ee ku yaal magaalada Riyad, wax faah faahin dheeraad ah lama sii raacin.

Hogaamiyaha boqortooyada Sucuudiga oo hada jira 91 sano ayaa in muddo ah xaaladiisa caafimaad laga deerinayey wuxuuna qaliin dhanka dhabarka ah maray labo goor sanadihii 2011 iyo 2012.

Cabdullahi ayaan muddooyinkii danbe lagu arag fagaarayaasha, waxaana matalayey bilihii lasoo dhaafay ninka dhaxal-sugaha Salman oo ay walaalo yihiin Cabdullahi, kaasi oo isaguna jira 77 sano.

Source: Horseed Media

Comments

comments