Liverpool Oo Gurigeeda Anfield Cashar Lama Ilaa Waan Ah Ugu Dhigtay Swansea City, Xili Ay Sanadkan 2014 Ku Soo Xidhatay Guul Muhiim Ah

Date:

Kooxda Liverpool ayaa gurigeeda Anfield cashar lama ilaawaan ah ugu dhigtay kadib markii ay 4:1 ku dardartay. Liverpool ayay goolasha u kala dhaliyeen Adam Lallana oo laba gool dhaliyay , Alberto Moreno oo goolka furitaanka u saxiixay halka goolka afraad uu ahaa mid uu iska dhaliyay Shelvey. Waa guushii ugu waynayd ee ay Liverpool xili ciyaareedkan goolal intan leeg ku badiso waxayna sanadka 2014 ku soo xidhatay guul ay u aad ugu baahnayd.

Liverpool ayaa Anfield ku soo dhawaysay kooxda Swansea,Kulankan ayaana ahaa ka ugu danbeeyay ee kulamada 19 aad ee kala badhka u ah horyaalka Ingiriiska. Kulankan ayaana sidoo kale ah kulanka horyaalka Ingiriiska ugu danbeeya sanadkan 2014 ka.

Liverpool ayaana kulan aad ugu baahanayd inay guulaysato si ay u soo noolayso rajadeeda inay xili ciyaareekan u soo baxdo Champions Leaquega. Kooxda Swansea City ayaana ah kooxda marti iyo minanba kooxaha ku adkaysa, mana noqon doono kulankani mid sahlan.

Rodgers ayaa shaxdiisa isbadal wayn ku sameeyay,Kabtanka Liverpool ee Steven Gerrard ayaa kursiga kaydka ku bilawday halka Markovic oo kulamadii u danbaysay shaxda Rodgers ku bilaabanayay uu isaguna Gerrard kursiga kaydka ku wehelinayay. Mario Balotelli ayaa wali sii fadhiyay doona kursiga kaydka Liverpool.gerrard

Liverpool ayaana ciyaarta kubilaabatay qaab ciyaareed fiican iyada oo bilawgii ciyaartaba la wareegtay kubbad haysashada, waxayna Reds abuurtay fursado ay goolal dhawr ah ku dhashan kari lahayd. Balse fursada ay Liverpool goolka ku dhashatay ayaa timid daqiiqadii 33 aad markaas oo uu difaaceeda bixid ee Alberto Moreno goolka firitaanka u dhaliyay.moreno1

Kubbda uu ka soo shaqaystay dhinaca bixid ayuu Moreno la soo galay khadka dhexe wuxuuna u sii dhiibtay Adam Lallana kaas oo isaguna kubada isku sii dhaafiyay Henderson oo joogay baasha midig, Henderson ayaana kubbada soo hormariyay goolka Swansea City, waxaana halkaas ku sii sugayay Moreno oo kubbadaas soo bilaabay hallkaas ayuuna goolka furitaanaka Reds ugu dhaliyay. ciyaarta ayaana noqotay 1:0 ay Liverpool ciyaarta hogaanka ugu qabatay.moreno

Inkasta oo markii goolka laga dhaliyay ay Swansea City bilawday inay weerar soo qaado ayayna haddana qaybtii hore ee ciyaarta samaynin hal bartilmaameed. goolhaye Mignolet ayaana qaybtii hore u ahayd mid nasasho ah. qaybtii hore ee ciyaarta ayaana ku soo dhamaatay 1:0 ay Liverpool kubbad iyo natiijo ahaanba ku saraysay.liver

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayay Liverpool halkii ka sii waday qaab ciyaareedkeedii fiicnaa ee ay soo bandhigtay qaybtii hore ee ciyaarta. Daqiiqadii 51 aad ayuuna Adam Lallana qalad uu sameeyay goolhayaha Swansea City ee Fabianski ku ciqaabay kadib markii uu kubbad uu laagayay ay inta ay ku dhacay Lallana ay sidaa ku dhalatay, ciyaarta ayaana noqatay 2:0 ay Liverpool hogaanka ku dheerayasatay.Lallana

Hal daqiiqo oo kaliya kadib goolka uu Lallana dhaliyay ayuu Gylfi Sigurdsson kooxdiisa Swansea City udhaliyay goolkeeda kowaad,wuxuuna ciyaarta ka dhigay 2:1 ay wali Liverpool hogaanka ku hayso. intaa wixii ka danbaysayna ciyaarta ayaa sii shidan tahay.Sigurdsson

ciyaarta  ayaana ku sigatay in saddex daqiiqo oo isku xiga goolal layska dhaliyo kadib markii uu Sterling birta u garaacay Swansea City daqiiqadii 53 aad.

Intaa wixii ka danbaysay ayay ciyaartu noqotay mid furan, waxaana markale daqiiqadii 61 aad goolkiisa labaad dhaliyay Adam Lallana, kaas oo ciyaarta ka dhigay 3:1 ay Liverpool markale ciyaarta hogaankeeda ku dheeraysatay. Haddii uu goolka hore Lallana nasiib ku dhaliyay ayuu goolkiisa labaad ahaa mid uu si qurux badan uga habaystay difaaca Swansea City.lallana1

Kadib markii ay Liverpool culays aan caadi ahayn saartay difaaca Swansea City ayuu daqiiqadii 69 aad Jonjo Shelvey iska si qalad ah iskaga dhaliyay goolka kooxdiisa niyada ka sii dilay ee afraad. Kubbad koorne ahayd oo uu soo tuuray Henderson ayuu Shelvey goolkaas iskaga dhaliyay ciyaarta ayaana noqotay 4:1 ay Liverpool ku dhibaataynayso kooxda martida u ahayd ee Swansea City.shelvey

Waa guushii ugu waynayd ee ay Liverpool xili ciyaareedkan goolal intan leeg ku gaadho, waxayna sanadkan 2014 ku soo gabgabaysay guul iyo waliba qaab ciyaareed layaableh oo ay ku dardartay kooxda martida u ahayd ee Swansea City. ugu danbayn ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 4:1 ay Liverpool guusha ku gaadhay.Liverpool ayaana Swansea City kala baxday booska 8 aad oo ay markii hore ku jirtay.

Source: Laacib.net

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...