Somaliland: Xoghayihii Hore Ee Ururka SOLJA Maxamed Rashiid Oo ku Geeriyooday Nairobi

Alle Naxariistii janno ha ka waraabiyee Waxa goordhoweyd lasoo sheegay geeridda xoghayihii hore ee ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Maxamed Rashiid Maxamud Faarax oo dhowaan shil baabuur ku dhaawac may xaaladiisa caafimaadna lagula tacaalayay dalka Kenya.

Geeridda Marxuumka ayaa ku soo beegantay Xili Maalmo kooban ka hor ururka Solja uu yeeshay hogaan cusub kasoo bedeli doona Hogaankii hore.

Geesta kale saako oo isniin ah ayaa lagu waday in hogaankan Cusub ee ururku doortay Ay si rasmi ah ula wareegaan Xilka Balse geerida ku timi xoghaye Maxamed Rashiid ayaa dib udhigtay Xil wareejintaasi waxana lagu wadda in maydka Marxuumka Saacadaha Soo Socda la keeno magaalada Hargeysa si loogu Aaso.

Comments

comments