Somaliland Oo Jawaab Adag Ka Bixisay Hadalo Kasoo Yeedhay Masuuliyiinta Wasaaradda Dekeddaha Soomaaliya.

Wasiirka wasaaarada ganacsiga iyo maalgashiga Somaliland mudane Xuseen Aadan Cige “Dayr” oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada hargeysa ayaa jawaab adag ka bixiyay hadalo dhawaan kasoo yeedhay masuuliyiint dawlada Somaliya gaar ahaana masuuliyiinta wasaarada dekedaha somaliya oo khuseeya arimaha wareejinta dekeda magaalada berbera oo ay xukumadda Somaliland ku wareejisay shirkad shisheeye oo lagu magacaabo Dubai World.

Waxaana wasiirku uu sheegay inay dawlad Somaliland ay u madax banan tahay mashaariic kaste oo laga hirgalinayo dalka Somaliland, waxaana uu dawlada somaliya ugu baaqay iny faro galinta qaawan kala dhex baxdo dawlada somalilnd.

Wasiirka oo arimahaasi ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi.

“Qaranka Somaliland wa qaran madax banana, man aha qaran xamar laga xukumo, madaxwayne ya l doortay waxya ledahay gole sharci dajin, mid gole deegaan umad isku tashatay kamadax banaan inay gacan hoorsato umad shisheeye ayaa qaranka Somaliland u ah saldhig, sidas darted xukumadda xamar waxaan leeyahay waxaad ku eekaatan xal u holida arimahina idiin gaarka ah oo ay u horeysa amaanku,hawlaha Somaliland u gaarka ahna waa inay ka daayaan faragalinta qaawan ee ay ku hayaan”Sidaas ayuu yidhi Wasiir Dayr.

Wasiirka ganacsigu isagoo wali hadalkiisa sii wata yaa waxa uu inta ku daray.

“Xukumada xamar daris wanaag ayaa naga dhaxeeya waan ixtiraamnaa darisnimadooda anaguna waxaan jecelnahay inay na ixtiraamaan,waxii maalgashiya iyo waxii mashaariic ah ee Somaliland aduunyada ka heshana anaga u madax banaan iyagana hawl u taala mahaa ee iyagu haka taliyaan sidii ay xal ugu heli lahaayeen arimahooda hoose”Sidaas ayuu hadalkiisa kusoo koobay wasiir Dayr

Gabagabadiina hadalkan jawaab celinta ah ee maanta kasoo yeedhy xukumada Somaliland ayaa kusoo beegmaya kadib markii ay dhawaan masuuliyiinta wasaarada dekedaha somaliya ay sheegtay inay maxkamad la tiigsan doonto shirkada Dubai World oo ah shirkada lagu wareejiyay mamulka dekeda Somaliland ee berbera.

Comments

comments