Xildhibaanada baarlamaanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa cod buuxa ku aqbalay ra’iisal wasaare Cumar Cabdrashiid Cali, oo maanta hortagey baarlamaanka isla markaasna weydiistey codka kalsoonida.
Kooramka Xildhibaanada baarlamaanka ayaa maanta ahaa 224 Xildhibaan, waxaana shir guddoominaayey Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Shiikh ayaa Baarlamaanka khudbad ka horjeediyey, waxaana uu sheegey in uu maanta horkeeney Raysalwasaaraha uu dhawaan magacaabey Cumar Cabdirashiid, si ay ugu oggolaadaan in uu soo dhiso Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya.
Kadib waxaa isaguna khudbad kooban jeediyey Raysalwasaare Cumar Cabdirashiid oo Xildhibaanada ka codsadey in ay ku taageeraan codka kalsoonida, isla amrkaana uu gadaal ka keeni doono barnaamijkiisa waxqabad marka uu soo dhiso xukuumadda kaas oo isaguna u baahan in Baarlamaanku meel mariyo.
Afhayeenka baarlamaanka jamhuuriyadda federaaliga ah ee Soomaaliya Prof. Jawaari ayaa Xildhibaanada ka codsadey in ay u codeeyaan siinta codka kalsoonida oo ahayd mid gacan taag ah waxaana Haa ugu codeeyey 2018, 6 Xildhibaan o banaanka ka joogey Baarlamaanka guddoomiyuhu waxa uu xisaabiyey aamusnaan.
Guddoomiyaha Maxkmadda sare ee Dowladda federaalka Caydiid ilkaxanaf aya isla goobta ku dhaariyey raysalwasaare Cumar Cabdirashiid oo lagu wado saacadaha soo socda in si toos ah uu ula wareego Xafiiska raysalwasaaraha.
Shaqada ugu horeysa ee raysalwasaaraha hortaala ayaa ah dhismaha Xukuumadda, oo la filaayo in maalmaha soo socda lagu dhawaaqo.