Hargeisa (Wargane News) Waxa maanta qasriga madaxtooyada Somaliland lagu soo afjaray Khilaafkii u dhexeeyey Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye waxaana halkaasi go’aamadii la isla qaatay ka akhriyey Golaha Guurtida Somaliland oo ah Tiirka qarankani ku dhisan yahay ee hibada EEBBE u siiyey midaynta iyo daminta xaaladaha kolba jira
ee markaasi taagan waxanay Go,aamadaasi noqdeen kuwo ay isla qaateen dhinacyadii Xisbigu u kala qaybsanaayeen iyada oo halkaasi Su’aalo lagu waydiiyey Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo iyo Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi oo labadooduba sheegay inay ku qanceen go’aamada ka soo baxay Golaha guurtida Somaliland.