Guddida Diiwaan-galinta Ururada Siyaasada Iyo Asxaabta Oo Go,aan ka Soo Saaray Muranka Xisbiga Kulmiye

Hargeysa(Wargane News)-Guddida Diiwaan-galinta Ururada siyaada iyo asxaabta Qaranka  ayaa maanta soo saaray go,aan rasmiya oo ay ku cadaynayaan inay sharci yihiin Liisaskii Guddiyada iyo Go,Aamadii ay soo saareen Guddidii  shirwaynihii saddexaad ee xisbiga Kulmiye

Go,aanka ay Guddida Diiwaan Gelintu soo saareen waxa ay ku sheegeen in aanuu jirin Liisas kale ama Go aamo kale oo soo gaadhay xafiiskooda, islamarkaana aanay arag wax cabosha ah oo ka soo gaadhay Garabka kale e Kulmiye ee ay Hoggaaminayaa Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin Qoraalka rasmiga ah ee ka soo baxay Guddida Diiwaan galinta ee Nuqulka mid ah soo gaadhay warbaahinta  wuxuu udhignaa sidan Ku: Hogaanka Xisbiga Kulmiye Og:Xeer-ilaaliyaha Guud Og Madaxwaynaha JSL Ujeedo:   Caday Anagoo Tixraacayna  Xeerka  NO  14  Farqadiisa 25 aad 4 raad iyo 5 aad  oo udhigan Sidan 4(Shirwaynaha waxa lagu dooranaya) b:xubnaha Hogaanka Xisbiga Kulmiye t:xubnaha Golaha dhexe ee Kulmiye J:waxaa lagu ansixinayaa barnaamujka iyo xeerhoosaadka xisbiga 5:(Liiska  xubnaha guddida fulinta iyo Golaha Dhexe ee xisbiga iyo Nuqul xeer-hoosaadkooda kamid ah waxaa loo gubinayaa xeer ilaalinta,komishanka Doorashooyinka iyo Guddida Diiwaan gelinta ururada siyaasada iyo Ansixinta Asxaabta Qaranka Mudo aan ka badnay 30 maalmood shirwaynaha kadib) Anagoo tixraacayna  19aad ee distoorka xisbiga Kulmiye xarafkiisa  (x) farqadiisa 1aad oo udhigan sidan.marka laga reebo xubnaha Golaha Dhexe ku soo galaya qaab ku xusan qadabka 27aad soo xulista xubnaha Golaha Dhexe waxa magacyadooda ergada gobaladu ku soo ururayaan xoghayta shirwaynaha Anagoo tixraacayna qoddobak 25aad ee X NO 14 ee udhigan sidan(guddida diiwaan gelintu wuxuu owood u leeyahay xeer nidaamiye (Reuglatoin) xeerka habdhaqanka(code of conduct) iyo awaamiirta(directives) aan ka hor imanayn Guddidi waxay halkan ku cadaynaysaa 1-Inuu nasoo gaadhay go,aamadii shirwaynaha 3aad ee xisbiga Kulmiye oo qabsoomay 28/29/5/2014 Go,aamadaas oo ah 1-Go,aamadii shirweynihii sadexaad ee xisbiga Kulmiye 2- Hoggaanka xisbiga Kulmiye 3-Liiska guddida fulinta ee xisbiga Kulmiye 4-Liiska golaha dhexe  ee xisbiga Kulmiye Go,aamadan oo ay sexeexeen shirgudoonka shirweynaha 3aad  ee xisbiga Kulmiye 2-In aan guddida haba yaraate soo gaadhin go,aamo liisas kale iyo wax cabashooyin ahi 3-Iyadoo guddidu xafiisaka fadhiday illaa lixdii  galabnimo 6 oopm ee 29/5/2014 taariikhdaas oo ay ku ekayd wakhtigii (x) 14 qodabka 25aad ee aanu soo sheegnay  ku xadeeyey wakhtiga kama danbaysta ah ee la soo gudbin karo go,aamada shireynaha Sidaa daraadeed ,waxay guddidu aqoonsatay  in go,aamadaa soo gaadhay ay ku saxeexen yihiin shirgudoonkii shirweynaha 3aad ee xisbiga kuliye yihiin kuwa sharciga ah   Liiska Magacyada Sexeexay  

1-Cabdirisaaqa Jaamac Cumar

2-Aaadan Geedi Qayaad

3-Cumar Xassan Axmed

4-Xassan Admed Ducaale

5-Cabdale Ibraahin Maxamed

6-Maxamed Cabdi Maalik

7-Ismaaciil Cabdilaahi Cali  

ALLAA Mahadle  

Comments

comments