Xukuumadda Siilaanyo waa Mid ka Tarjumeysa Hadafkii Loo Doortay

Hubaal weeye in dhacdooyinka dhacaya ee maalinba aan arkayno ay misaal u yihiin in fikirkeena iyo dareenkeenaba aan ku wajahano wax kasta oo inaga horyimaada si haddii ay xumaan tahayna aan uga hortagno , haddii uu wanaag yahayna ama wax wax u taraya nolosheena iyo jiritaankeenaba aan u taageerno.

Nidaamyada Dawliga iyo maamulada waxaa dadyowgu u samaysteen waxaa ay ka heleen ilbaxnimadii Binu’aadmiga ee muddada dheer soo taxnayd oo ay u arkeen arrin nolosha dadka saacidaysa, oo lagaga fakan karo isdulmin iyo in awooda loo adeegsado dadka meel wada degani sida ay u kala itaal wayn yihiin.
Inkasta oo haddana nidaamka Dawladnimadu meelo fara badan uu ku keenay in si khaldan loo adeegsado oo lagu dhibaateeyo dadkii magacooda ay ka taagnayd: tusaale kooban waxa inoogu filan (1960) dad jacayl iyo Dawladnimo Soomaaliyeed doonisteedii, shacabka reer Somaliland waxay gaadhsiisay guul-darro dhibaatadeeda iyo taariikh xumadii ka dhalatay ay si weyn ugu xusnaan doonto sooyaalka taariikhda.

Haddaba dhibaato badan oo xanuun lahayd, muddo dheerna socotay, waxaa shacabka Somaliland ay dhab iyo qumaati u garwaaqsadeen khaladkii dhacay inay keentay ka fiirsi la’aan iyo talo la’aan laab-la-kac ahayd oo dhaxalkeedii la arkay.

Taasi waa tan keentay 1991 magaalada Burco in dadka reer Somaliland isugu yimaadeen kuna samaysteen Dowladnimo ay iyagu leeyihiin, go’aankani Burco lagu gaadhay ayay Dowladnimadeena ku astaysan tahay, marxalado badan ayaa soo maray, xaalad kasta oo timaadana waxaa shacabka Reer Somaliland ay ku xaliyeen si caqli-galnimo ah, iyadoo mar walba ay tahay muhiimadeena kowaad in aynu ilaashano Dowladnimadaasi oo shacabka Reer Somaliland, ay wada leeyihiin.

Waa xaqiiq in Dawladnimada dadka Reer Somaliland ay marayso heerkii ugu sareeyay ama ugu wanaagsanaa ifa-faalaha ku socotana, Madaxweynaha maanta Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo uu ku guulaysanayo dhab uga midho-dhalinta Dawladnimadeena.

Haddaba baryahan danbe ayaad moodaa in dadka qaarkii Dawladnimada ay ilaaween, waxaad yaabaysaa markaa aad aragto qoraalada iyo canbaaraynta lagula dul-kufayo xukuumada Siilanyo.

Weli ma arag joormaal ama Website ummada u soo bandhigaya inta qabsoontay muddadii ay xukuumadani jirtay, haday tahay caafimaad, waxbarasho, horumarinta kaabayaasha dhaqaale, kor-u-qaadida heerka dibloomaasiyadeed ee dalkeena iyo boqolaal waxqabad oo haddii la is-yidhaa tiriya aan la tirin karayn, waxaana runtii la odhan karaa xukuumadani waa xukuumadii rajada ummada, waa xukuumadii waxqabadka, waana xukuumad dhab ahaan uga turjumaysa wixii aynu u samaysanay ama ujeedadii aynu Dowladnimada ka lahayn, Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, waxaan leeyahay aniga oo ka mid ah muwaadiniinta ku dhaqan Somaliland.

waxaan leeyahay Madaxweyne sidaad dhawritaanka umadaada iyo jiritaankooda aad ugu hiilisay ugu soo dagaalantay, ee aad (80) cod aad uga tegtay wixii aad xaqa u lahayd ee aanu marna damiirkaagu aanu isbadalayn, u malayn maayo Madaxweyne in dadka xukuumada aad hogaamiso aflagaadeeyaa inay kaa leexin karaan waxa umadaada aad u qabanayso, adiga iyo xukuumadaadana waxba yeeli maayaane, waa dad caaya Dowladnimada ay wax ku lahaayeen, oo aan dhaadeyn inay wax ka sheegaan hu’goodii oo ah Dawladnimada oo u ah dadka sharaftoodii iyo karaamadoodii gobanimadooda gaboodka u ahaa.

Liibaan Cali Xaaji Raabi
Raabi2009@hotmail.com

Comments

comments