Haddii qofka ay isu raacdo aqoon-gaabnimo, gaajo, hawo iyo anshax-darro, waxa uu gaadhsiiyaa inuu xataa hugiisa dhigto fagaarayaasha oo xumihiisa kala xishoon waayo uumiyaha. Waxay gaadhsiisaa inuu tilmaan is yidhaahdo kii tilmaami lahaa, tiigsado hir aanu laaci Karin, oo marada ka faydo hunguri iyo haydaaro ilaa dhallaanku ku garanayaan.
Magaca “Gaajo” ayuu faan bidaa. Haddana Gaajadii oo xay ah baal la hayn karrine, iyadii oo riyootay ka warrama? Ila arag tixdan gaaban:
Riyooy Gaajaa Riyootay
Geel iyo adhi baa u soofay
Gammaan badan baa u foofay
Giniga lacagtay muquurtay
Gasiin badan bay mugaabtay.
Riyooy gaajay ahayde
Guntay durbadiiba gaadhey
Sidii gafanay dillaacday
Inay Galbatay Ismooddey
Qalfoof golofay ka qaadday
Gubniinsho hor laa ka dheegmay!
Halkii iyadoo gamboosha
Ayaa arrin loo gambeeyey
Geeraa u Bannaysay meesha
Hawaa gelbisoo kaxaysay
Kursaa loo gingimay ka weynba.
Hibada Guullaa hayee
Illayn Gaajay ahayde
Durtaba Gelbiskii Illowdey
Waxay Gabbataba ku booddey
Godkay la tiqiin tawaawac
Dewero Gaawaha u qaadday
Dadkii uga guuryey Oosha
Gabbade uunkii habaayey
Ka gooste dadkii hadh geeyey
Gurtida uga furay albaabka
Jahliga Gaajada mataanshey
Gunuunuca Gaafwareegga
Qof ay ku galgalato weydey!
Riyooy Gaajay ahayde
Hubaal gungumaha raqaaya
Godkiyo mugdigaa u muuqda
Hareertiyo Goonyaheeda
Gadaal horay bay jalleecday
Guntiyo Oogaday homayday
Garbaha saabkay ka baadhay
Guntiga hoosay ka dayday
Gaajada Gibilkeeda Saaran
Gambiyo caantayn ka reeba
Illayn Gaajaan dhergayne
Ka weydey Gobaad dusheeda!
Mohamed Somali
Hargeisa