Riyooy Gaajaa Riyootay

Date:

Haddii qofka ay isu raacdo aqoon-gaabnimo, gaajo, hawo iyo anshax-darro, waxa uu gaadhsiiyaa inuu xataa hugiisa dhigto fagaarayaasha oo xumihiisa kala xishoon waayo uumiyaha. Waxay gaadhsiisaa inuu tilmaan is yidhaahdo kii tilmaami lahaa, tiigsado hir aanu laaci Karin, oo marada ka faydo hunguri iyo haydaaro ilaa dhallaanku ku garanayaan.

Magaca “Gaajo” ayuu faan bidaa. Haddana Gaajadii oo xay ah baal la hayn karrine, iyadii oo riyootay ka warrama? Ila arag tixdan gaaban:

Riyooy Gaajaa Riyootay

Geel iyo adhi baa u soofay

Gammaan badan baa u foofay

Giniga lacagtay muquurtay

Gasiin badan bay mugaabtay.

 

Riyooy gaajay ahayde

Guntay durbadiiba gaadhey

Sidii gafanay dillaacday

Inay Galbatay Ismooddey

Qalfoof golofay ka qaadday

Gubniinsho hor laa ka dheegmay!

 

Halkii iyadoo gamboosha

Ayaa arrin loo gambeeyey

Geeraa u Bannaysay meesha

Hawaa gelbisoo kaxaysay

Kursaa loo gingimay ka weynba.

 

Hibada Guullaa hayee

Illayn Gaajay ahayde

Durtaba Gelbiskii Illowdey

Waxay Gabbataba ku booddey

Godkay la tiqiin tawaawac

Dewero Gaawaha u qaadday

Dadkii uga guuryey Oosha

Gabbade uunkii habaayey

Ka gooste dadkii  hadh geeyey

Gurtida uga furay albaabka

Jahliga Gaajada mataanshey

Gunuunuca Gaafwareegga

Qof ay ku galgalato weydey!

 

Riyooy Gaajay ahayde

Hubaal gungumaha raqaaya

Godkiyo mugdigaa u muuqda

Hareertiyo Goonyaheeda

Gadaal horay bay jalleecday

Guntiyo Oogaday homayday

Garbaha saabkay ka baadhay

Guntiga hoosay ka dayday

Gaajada Gibilkeeda Saaran

Gambiyo caantayn ka reeba

Illayn Gaajaan dhergayne

Ka weydey Gobaad dusheeda!

 

Mohamed Somali

Hargeisa

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...