Dr Gabboose oo Madaxdhaqameedka Gabilay iyo Wasiirka Waxbarashada Codsiyo u Diray

Date:

Dr Maxamed Cabdi Gabboose ayaa Farrino u kala diray Madaxdhaqameedka Gabilay iyo Waqooyiga Hargeysa iyo Wasiirka Waxbarasahda iyo Tacliinta Sare.

Dr Gabboose oo ka hadlayay munaasibad ay ku qalin jabinayeen Ardayda Jaamacada  Timada Cadde ee Gabilay,ayaa si qooro leh uga hadlay dagaal beeleedyada ka soo cusboonaaday Ceel-afweyn iyo Caii Saahiid,waxaanu sheegay umad dadkeedii isku dhimanayaan in aanay horumar Gaadhayn.

Waxaanu yidhi. “manta(shalay) waxaan arkaya oo hortayda fadhiya Madaxdhaqameedkii Sacad Muuse waxaan leeyahay fadhga ka kaca oo dhaqaaqa oo taga oo gaadha Ceel-afweyn iyo Cali Saahid oo isla maantaba u baxa,gudaheeniibaa colaado ka socdaan muawaadiniinteenii baa dhimanaysa.

Wakhtgan oo kale anoo ka hadlaay Jaamacadda Gar-dag waxaa hortayda fadhiyay rag culus oo salaadiin iyo cuqaal ba leh oo Habarjeclo ah waxaan ka codsaday in ay fadhiga ka kacaan.

Maanta waxaan leeyahay madaxdhaqameedka Sacad Muuse sidii Habarjeclo fadhiga ka kaca oo dhiigga daadanaya baajiya oo Cali Saahid iyo Ceel -afweyn isla manta u baxa.”

Dr Maxamed Cabdi Gabboose oo la hadlayay wasiirka Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland ayaa usoo jeediyay ubbadka aqoonta ah e ciidanka qaranka iyo kuwa aabbayaashood soo dhaawacmeen in  laga dhaafo lacagta isguulada ee lagu soo eryo.

“wasiirka waxbarashada waxaan ka codsanayaa in caruurta ciidanka ee aqoonta ah ama aabbayaashood ay soo dhaawacmeen in laga dhaafo lacagta lagu soo eryayo,askarigu waa qofka keliya ee waxa ugu qaalisan oo naftiisa ah u hura dalkiisa ee u dhinta ee u dhaawacma ee loo qabto ee Maxbuus dagaal u noqda,markaa ilmihiisa lacagta lagu soo eryayo waxaan kaa codsanayaa wasiir bal horta nta aqoomawday ama aabbayaashood so dhaawacmeen in lacagta laga dhaafo.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...