Somalia: Michael Keating oo ku baaqay in Al-shabaab wadda hadal lala furo

Date:

Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating ayaa sheegay in sida loogaga guuleysan karo Alshabaab ay tahay oo kaliya in wadahadal dhinaca siyaasada ah lala yeesho.

Keating ayaa u sheegay wargeyska caanka ah ee ka soo baxa dalka Maraykanka Newsweek in cafiska loo fidiyay maleeshiyaadka Alshabaab uu yahay bilow wanaagsan balse aysan ku filneyn sidii kooxda Alshabaab ay u baabi’i lahayd.

Michael Keating, ayaa sheegay in cafiska kaliya uusan ahayn hab kaligii shaqeyn kara;“Cafiska waa qorshe wax lagu sasabayo laakiin waxaad u baahan tahay in qorshe kale oo wajaan ama ul ah aad isticmaali kartid haddii ay dagaal ay ka dhigtaan qorshahooda siyaasadeed.”ayuu yiri Keating.

Inkastoo kooxda Alshabaab uu Madaxweyne Farmaajo u fidiyay cafis hase ahaatee ma jiro wax hakin ah oo laga dareemayo Alshabaab waxayna ka sheegtay ra’iisal wasaaraha dalka Britain May kulankii Khamiistii lagu qabtay magaalada London ee loogaga hadlayay arrimaha Soomaaliya in weerarada Alshabaab ay saddex laabmeen.

“Meelaha qaar waxaa jira ifafaale rajo ah taasoo ugu yaraan ah in ururka uu kala daato, laakiin uma malaynayo in arrinkaas uu yahay mid xilliyada dhow dhici kara.”ayuu sii raaciyay Keating.

Ergeyga gaarka ee Qaramada Midoobay ayaa ka hadlay sida ay suurtogal u tahay in ciidamo Soomaaliyeed ay la wareegaan ammaanka dalka Soomaaliya marka la gaaro 2018 oo ah xilliga ay ciidamada AMISOM ka baxayaan dalka Soomaaliya.

“Waa in la daboolaa daldaloolooyinka nolosha ku sii haya Alshabaab sida maqnaanshaha amarka iyo kala dambeynta, adeegyada aasaasiga oo aan lahayn,ciidamada Milatariga iyo Booliska oo aan mushaar la siin sidaa awgeed musuqmaasuqu uu noqdo mid xaaraantimeynaya dowlada.”ayuu sheegay Keating oo u waramayay wargeyska Newsweek.

Si kasta ha ahaatee Keating ayaa ku tilmaamay xaalada dalka Soomaaliya inay tahay mid joogta hadda heer ka xun sanadkii hore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...