- Shucuubta liidata, akhlaaqdeeduna way xumaata.
- Qofka laguu sheegaya waa carabkiisa iyo caqligiisa, waxa ka soo hadhay waa lafo iyo hilib.
- Nasiib xumaa qof wax kasta yaqaana laakiin aan Allah (sw) aqoon
- Saaxiibada ay duruuftu ku doortay ayaa ka fiican kuwa aad adigu dooratay
- Waxa keliya caalamku isku raacay waa in aan Hal meere kuwada noolay.
- Wax kasta waa la aqbali karaa, marka laga reebo dulmiga
- Calool madhan, jeeb faaruq ah iyo qalbi dhawaacani waxa ay ku baraan casharada nolosha ugu adag
- Odhaahda kaftanku xaqiiqoyin badan ayay xambaarsantay
- Unuguyada dunida yaal waxa ugu badan Ogsijiinta iyo nacasnimada.
- In aad qof dareenkiisa ku dhaawcdo run ayaa ka fiican in aad ku farxad geliso been.