Hargeysa-(Dawan):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi,ayaa soo saaray Wareegto u uku magacaabay Xubnaha Komishanka Xuquuqal Insaanka Qaranka.
Wareegto shalay ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha ee magacaabista Xubnaha cusub ee Komishanka Xuquuqul Insaanka Qaranka ayaa u dhignayd sidan:-
Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markaan Arkay: Xeerka Komishanka Xuquuqul Aadamaha, Xeer Lr. 39/2010; Markaan Helay: Qoraalka Guddida Xulista Xubnaha Komishanka Xuquuqul Aadamaha; Markaan Tixgeliyey: Ahmiyadda Komishanka Xuquuqul Aadamuhu u leeyahay Dhismaha, Sumcadda iyo Horumarka Qaranka; Waxaan Go’aamiyey;
In laga bilaabo taariikhda maanta aan u magacaabo xubnaha hoos ku xusan in ay noqdaan Xubnaha Komishanka Xuquuqul Insaanka Qaranka:
- Maxamed Baaruud Cali Xubin
- Maxamed Xasan Caalin Xubin
- Mustafe Cali Cismaan Xubin
- Baashe Maxamuud Faarax Xubin
- Maxamed Jaamac Ibraahin Xubin
- Cabdiraxmaan Cismaan Cabdulle Xubin
- Muuse Jaamac Cigge Xubin
Wareegtada Madaxweynaha ayaa la raaciyey in xubnahan oo sida sharcigu dhigayo ay soo xuleen Guddida xulista xubnaha Komishanka Xuquuqul Insaanka Qaranka oo madaxweynaha Qaranka u soo gudbiyey 14 xubnood si uu ugala soo baxo madaxweynuhu todobadan xubnood kuna magacaabo wareegto Madaxweyne, Sidaa darteedna todobada xubnood ee kalena u noqdaan keyd xubnahaa madaxweynuhu ku magacaabay wareegtada.