Odayga Carab oo xikmado badnaa ayaa guri ka kiraystay nin uu garanayey, markii uu gurigii u soo guuray ayuu arkay ceeb daloolo aanu guriga ku ogeyn, saqafka sare ee guriga oo jilicsanaa awgii gurigu waxa uu lahaa sanqadh badan oo dabayshu ruxayso siiba wakhtiga habeenkii.
Odayga ayaa aroortii u soo cawday ninkii guriga ka kireeyey oo u sheegay in saqafka gurigu sanqadh badan samaynayo, sidaa awgeed ay tahay in uu ka sameeyo.
Ninkii ayaa ku yidhi, “Waxba ha ka baqin, Saqafku Allah ayuu u tasbiixsanayaa”. Odayga oo fahmay in ninku khiyaamo wado, oo weliba diin u xuskaday, ayaa yidhi, “Waa runtaa, oo anba waan ogahay, laakiin waxa aan ka baqayaa in qalbi jileecu ka bato oo uu isaga oo sujuudsan nagu soo dul dhaco naga same oo aad u adkee”. Dadka maskaxda badani kuma wareeraan jawaabaha su’aalaha kakan, si xarago leh ayay uga jawaaban.