Hargeysa(Dawan):-Suldaan Cabdiraxmaan Cawaale Hurre ayaa Cambaareeyay falkii dablayda mudooyinkii ugu dambeeyay ku dhuumaalaysanayay buurta Gacanlibaax ku qaafaasheen Baabuur ay lahayd Hay,adda Hallo Trust.
Suldaan Cabdiraxmaan Cawaale oo shalay la hadlay qaar ka mid ah Warbaahinta ayaa sheegay in aanay jirin reer ay metelaan jabhadda ku sugan buurta
Gacanlibaax,isla,markaana Xukuumadda ku gacansiinayaan in tallaabo laga qaado.
Suldaan Cabdiraxmaan Cawaale oo Arimahaa ka hadlayayna.Waxa uu yidhi”Waxaan ka hadlayaa niman jabhad sheegtay oo beryahan lagu sheegayay Buurta Gacanlibaax oo shalay magaalada Dabagorayaale ka kaxaystay gawaadhi ay leedaahay hay,adda Hallo trust,waa fal aad u xun waan cambaaraynayaa haddaan ahay Suldaankii deegaankaas.waan waan ayaa socotay odayaal ayaa hawshaa ku jiray hadii lays maqli waayay oo waayeelnimadii shaqayn wayday oo is maaalkiii shaqayn waayay.dawladda waxaan leeyahay hawshaada gudo,waanan garabtaagannahay dawladda hadii nimankaa jabhada afar inan oo tahriibay ku xidhnaadeen dawladda ayay u taalaa oo lagu gacansiinayaa. mana jirto meel Garxajis ku shiray oo tabasho isku waydiiyay jabhad iyo dagaal dawladda lala galo majirto,cidii waxaas ku kacday iyada ayay u gaar tahay wax aanu la wadaagnaa majirto doorashooyinka hadday tahay Ururo tahay reero looma furin waxay u yaallaan qaranka.majirto meel Garxajis isku waydiiyay tabasho doorasho Jabhadaas reer iyo cid ay matalaan ma jirto,”.