Afgaanistaan iyo Pakistan ayaa soo sheegay tiro aad u yar oo ah cudurka dabaysha ee gobolkooda sanadkan, taas oo sii iftiiminaysa rajada dalalka deriskooda ah ay bilo uga hadhsan yihiin joojinta faafitaanka baahsan ee fayraska Polio.
Maamulka Pakistan ayaa soo sheegay ilmo saddex jir ah oo qaba cudurka dabaysha ee wax curyaamiya, waana kiiskii kaliya ee dalka ka dhacay todobadii bilood ee ugu horeysay sanadka 2023 marka loo eego 20 xaaladood oo sanadkii hore ahaa.
Saraakiisha caafimaadka Afgaanistaan waxay iyaguna sheegeen shan kiis oo curyaaminta dabaysha ah ee carruurta, taas oo ah korodh ka yimid marka la eegoo 2022 laba kiis la sheegay.
Laakiin “Pakistan iyo Afgaanistaan waligood sidan umay gaadhin hadafka cidhibtirka poliovirus (WPV1) isku mar,” ayuu yidhi Dr. Hamid Jafari, oo ah madaxa hay’adda caafimaadka adduunka ee cidhibtirka dabaysha ee bariga gobolka Mediterranean-ka.
“Labada waddanna waxay u baahan yihiin inay si wadajir ah u gaadhaan yoolkan – iyaga oo si buuxda u taageeraya siyaasadda, maamulka, iyo hay’adaha amniga – haddii aan doonayno inaan ugu dambeyntii ka cidhibtirno cudurka dabaysha adduunka,” Jafari ayaa sidaa u sheegay VOA.
Marka la eego 34-ka gobol ee Afgaanistaan ka kooban tahay, gudbinta fayraska dabayshu waxay ka jirtaa laba gobol oo bari ah, Nangarhar iyo Kunar, oo xuduud la leh Pakistan. Marka loo eego xogta rasmiga ah, dhammaan shanta kiis ee xaaladood la ogaaday sanadkan waxay ku sugan yihiin Nangarhar.
Gaabiska tallaalka, oo ka dhashay carqaladeyn weyn oo ku yimid ololayaasha tallaalka intii lagu jiray 2021 iyo 2022, ayaa ka dhigtay carruurta gobolka inay halis ugu jiraan cudurka dabaysha iyo cudurrada kale ee laga hortagi karo,” ayuu yidhi Jafari.
Ka hor intaysan Taalibaan ku soo laaban xukunka Agoosto 2021, islaamiyiintu waxay si joogta ah u weerari jireen mutadawiciinta caafimaadka. Bishii Oktoobar 2021, Taalibaan waxay taageertay olole tallaal oo WHO ka fulisay Afgaanistaan, taas oo awood u siisay barnaamijka dabaysha inuu dib u bilaabo tallaallada waddanka oo dhan dabayaaqadii sanadkaas.
Tan iyo markii ay gaadhay malaayiin carruur ah oo ku nool koonfurta iyo gobollada kale ee dalka oo aan helin tallaalka ugu yaraan afar sano, ayuu xusay Jacfari. Waxa uu intaa ku daray in barnaamijka tallaalka Afqaanistaan uu sidoo kale kordhiyay tirada goobta laga baaddhayo fayraska dabaysha ee biyaha wasakhda ah, taas oo u oggolaanaysa in waqtigeeda la ogaado iyo jawaabta, ayuu yidhi Jafari.
Pakistan waxa ay si isdaba joog ah ugu dhawaatay cidhibtirka cudurka dabaysha, laakiin dacaayad muddo dheer socotay oo ka jirtay dhulka miyiga ah ee muxaafidka ah ee sheegaya in talaalku u keeno dhalmo la’aan carruurta, oo ay weheliso weerarrada dilaaga ah ee xagjiriinta ee tallaalka, ayaa dib u dhigay howlgalka. Maleeshiyada ka soo horjeeda dawladda ayaa ku andacoonaya in talaalka dabaysha ay xog sirdoon ka ururiyaan meelaha ay ku dhuumaaleysanayaan.
Barnaamijka cidhibtirka cudurka dabaysha ee caalamiga ah ayaa Pakistan, Afgaanistaan, qaybo ka mid ah Soomaaliya, iyo Yemen ku tilmaamay meelo ay adag tahay in la xakameeyo.