Putin oo digniin culus u diray dalalkii kusoo rogay cunaqabateynta

Date:

Putin oo digniin culus u diray dalalkii kusoo rogay cunaqabateynta
Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa ku tilmaamay cunaqabateynta dalalka reer galbeedka ay kusoo rogeen kadib duulaankii uu ku qaaday Ukraine ay lamid tahay ‘ku dhawaaqis dagaal’.

“Laakiinse Allahe ayaa mahad leh, weli xaaladda halkaa ma aysan gaarin”ayuu yiri Putin.

Putin wuxuu ka digay isku day kasta oo aag duulimaad ka caaggan looga dhawaaqayo Ukraine loo arki doono ka qeybqaadashada dagaal hub laisku adeegsado.

Wuxuu sidoo kale ku gacan seyray soo jeedintii aheyd in xaalad deg deg ah looga dhawaaqo Ruushka.
Putin ayaa hadalkan sheegay xilli uu la hadlayay koox haween ah oo ka tirsan macad qaabilsan tababarada dhanka duulimaadyada oo la yiraahdo Aeroflot kaas oo ku yaalla meel u dhaw magaalada Moscow.

Tan iyo markii uu bilowday duulaanka Ruushka 10 maalmood ka hor, reer galbeedka waxay ku soo rogeen Ruushka cunaqabataynno dhowr ah oo ay ka mid yihiin in la xayiro hantida uu Mr Putin ku leeyahay dibadda iyo in tiro ka mid ah bangiyada Ruushka laga saaro nidaamka lacagaha caalamiga ah la isugu diro ee Swift.

Intaa waxaa dheer, shirkado badan oo caalami ah ayaa joojiyay shaqadii ay ka hayeen Ruushka, waxaana kamid shirkadaha Zara, Paypal iyo Samsung oo Sabtidii ku dhawaaqay inay hakiyeen howlihii ganacsiga ahaa ay ka qaban jireen Ruushka.

Cunaqabateynta dhaqaale ee lagu soo rogay Ruushka waxay horseedeen in qiimaha lacagta dalkaas uu hoos u dhaco, waxay taas ku qasabtay bangiyada Ruushka inay laba laabaan lacagihii dulsaarka.

Putin wuxuu qiil u raadinaya duulaanka uu ku qaaday Ukraine, isaga oo ku celceliyay hadalkiisii ​​ahaa in uu doonayo in uu difaaco bulshooyinka ku hadla afka Ruushka ee halkaas ku dhaqan isaga oo ku andoocanayay in ‘hub ka dhigis’ lagu sameynayo halkaas iyo in ‘dhaqankii Nazi-ga’ laga saaro Ukraine.

Isagoo ka jawaabaya eedeymaha falanqeeyayaasha arrimaha gaashaandhigga reer galbeedka ee ah in ololaha militariga Ruushka uu u socdo si ka yar sidii la filayay, wuxuu yiri:

“Ciidankayagu wuxuu fulin doonaa dhammaan hawlihii loo igmaday, shaki kama qabo taas, wax walbaa waxay u socdaan sidii loo qorsheeyay”

Putin wuxuu sheegay in dagaalka ay ka qeybqaadanayaan ciidamo tababaran isla markaana aysan jirin askar la qoraya inkasta oo ay jiraan warar laisla dhexmarayo oo ku saabsan arrintaas.
Hoggaamiyaha Ruushka wuxuu sheegay in dadaallada lagu doonayo in aag duulimaadka ka caaggan looga dhigo Ukraine uu Ruuska u arki doono ka qeyb qaadashada dagaal hubeysan.

Wuxuu intaa ku daray in dadka ka dambeeya tallaabooyinka ka dhanka ah Ruushka ‘loola dhaqmi doono sida cadow lagu la jiro dagaal’.

“Hoggaanka haatan jira wuxuu u baahan yahay inuu fahmo in haddii ay sii wadaan waxa ay haatan wadaan in mustaqbalka ay halis gelin karaan qaranimada Ukraine” ayuu yiri Putin.

Dhankiisa, madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky ayaa ku dhaleeceeyay gaashaanbuurta Nato inay meesha ka saarto in aag duulimaadyada ka caaggan laga dhigo Ukraine.

Waxaa socdaa dadaallo diblumaasiyadeed oo la doonayo in lagu joojiyo dagaalka Ukraine.

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil ,Naftali Bennett ayaa Sabtidiii magaalada Moscow kulan kula yeeshay madaxweyne Putin, kulankooda oo qaatay saddex saacadood waxay kaga hadleen duulaanka Ruushka ee Ukraine.

Inkasta oo Israa’iil ay saaxib la tahay Mareykanka, sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil wuxuu xiriir ka dhexeeyay Ruushka, madaxweynaha Ukraine, Zelensky oo isagu qudhiisu yaha nin Yuhuud ah ayaa ka codsaday Israa’iil inay dhexdhexaadiso isaga iyo Putin si loo joojiyo xiisadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...