Buurmadow “Saaxiibkay Biixi In Wakhtigu Kajanjeedho Waxaad Ku garataa..”

Date:

“Saaxiibkay Biixi In Wakhtigu Kajanjeedho Waxaad Ku garataa Xildhibaanadii KULMIYE Oo Ooda Soo jebiyeyey.” Waxa Qoray Boqor Buurmadow
Allaw alle
Walee caawoo kale uun buu geeraar ii egyahay
Qisaba qisay keentaaye.
Beribaa reero meel yaal col galay waxay xoolo geel iyo gamaanba haysteen waxba lagama,tegin,beesha abaanduulaheedii ayaa ka samri waayey faras aad u qiimo badnaa oo laga dhacay.
Faraska waxaa saami u helay abaanduulihii colkii wax dhacay oo il wax ka qabay loona yaqaanay ilaw.
Farasku fardaha wuu ka tilmaanaa odaygii Ilaawe habeenkii kolkuu seexday intuu koorihii ka furay buu barkaday,faraskiina wuu dooday, habeenkii buu baxsaday,faraskii Alle wuu soo nabad geliyey,isagoo xadhigii jiidanaya wuxuuna u galay, Qabiil Yar oo aan badnayn.
Abaanduulihii faraska lahaa ayaa loo sheegay Faraskiisii Isagoo ku xidhan duleedka Ninkii uu u galay farasku, si hawl yar ayuu faraskiisii ugu yimi degdeg buu jaraha u geliyey oo Qoofalkii ka furay ,kolkaas wuxuu tiriyey geerarkan caanka noqday,Isaga oo aad ugu farxay faraskiisii oo dhib yaraan ugu soo noqday.
Illaahii odaygii isha goofa lahaa
Agabtaw Barkiyoow
Illaahii balli wayn mariyee
Oomanaha ka duwoow
Axmed kaan Ka dhashiyo
Ninkastoo Amar wayn
waysku eedilahayne
Illaahii Odala ugashaw
Adigaa Mahadaa leh.
Haatan caawa way ii ahaatay inaan geeraaro cirku hadduu doono inuu curto ,laftaa badisa,Saaxiibkay Biixi in wakhtigu ka janjeedho waxaad ku garataa,labadii inagoogaar ee Iyaga oo aan Dawladdii waxba la qaban Xildhibaanadoodii la soo baxay waa Cali Mareexaan Iyo Xildhibaan Ibraahin Caraale ee annagana culayska naguhayey,mar hadduu yidhi hawsha faraha iga qaada.
Qoladaan u bixiyey hargamadhan sidayaal ee hal xildhibaan la soo bixi waayey. Iyagoo Wasiiro ah illaahow adigaa mahadaa leh.
Ma caawaanu labaatan Xildhibaan haynin oo ay ooda soo jebiyeyeen Xildhibaanadii KULMIYE,kuwii mucaaradka Iskadaayoo,ma caawaan ku geeraarayaa “ Waxaan uubateeyaba , tolkey oodda soo jabiye

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...